Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Gaas Ibrahim Sheikh Muhudin ''Markii ugu Horeysay ayaan ka Qeyb Galeynaa Carbis Milatary oo ka dhacaya Dalka Dibadiisa''.

Ciidanka xooga


Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay burburka

Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay burburka kadib dalka dibaddiisa uga qayb-galeyso carbis milatari oo weyn, sida uu shaaciyay Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka sarreeya Gaas Ibraahim Sheekh Muxyidiin oo xalay kulan la qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada kumaandooska Danab ayaa sheegay inay Soomaaliya ku metali doonaan dhoolatus ka dhacaya dalka dibaddiisa, wallow uusan shaacin magaca waddanka uu ka dhacayo

Waa markii ugu horreysay ee aan ka qayb-galeyno

Waa markii ugu horreysay ee aan ka qayb-galeyno carbis milatari oo ka dhacaya dalka dibbaddiisa, waxaad ogtihiin mar haddii aysan horay u jirin waqtiyadan ay dhisneyd dowladdu ama ciidamadanka ay ku jireen dib u dhiska waxa nalagala filan karo inaan isku sheegno ayana rabnaa” ayuu yiri taliyaha Xoogga dalka Soomaaliyeed

Sidoo kale waxa uu xusay in ciidanka laga soo xulay

Sidoo kale waxa uu xusay in ciidanka laga soo xulay dhalinyaro gaar ah oo metali doono Soomaaliya, isaga oo u rajeeyay inay guul usoo hooyaan dhammaan ciidamada kale rag dhalinyaro ah ayaa socda aad ayaan ugu faraxsanahay, Soomaalidu waxay dhaqan u leedahay yar yaraan iyo adkeysi” ayuu mar kale yiri taliyuhu.

Waxaa kale uu intaasi kusii daray “Nasiib wanaag sidoo kale waxaa tihiin rag dhalinyaro ah oo maanta carbiska ugu haboon dhanka kale taliyaha ayaa dardaaran u jeediyay ciidamada ka qayb-galaya dhoolatuskaasi, wuxuuna sheegay in laga rabo akhlaaq iyo adkeysi, muddada ay ku jiraan tababarkaasi.

Waxaa la idinka rabaa bacda maa meesha la tegaayo ay tahay waddan dibadeed ciidamada ka qayb-galaayana ay yihiin ciidamo badan oo kala duwan oo ka kala socda dowlado badan waxaan rabaa inaad kor u qaadaan sumaddeena oo aad xambaarsan tihiin” ayuu ku yiri dardaraankiisa

Sidoo kale waxa uu yiri “Waxa la’iska rabo waxaa waayey akhlaaq, adkeysi, dulqaad waxaa la’iska rabaa inaan la dhihin nimanka ka yimid Soomaaliya ciladdooda sidaan ahayd ama dhaqaaqi waayay” Soomaaliya ayaa haatan sameyneyso dib usoo kabasho weyn oo dhanka ciidamada ah, waxaana sanadihii u dambeeyay xoogga la saaray dib u dhiska Ciidamada Xoogga dalka

Post a Comment

0 Comments