46 ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo hal goob lagu dilay

kooxda Al-Shabaab

Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug

 Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay saq-dhexe duqeymo xoogan ay ka dhaceen koonfurta gobolkaasi, gaar ahaan halka loo yaqaano Jeex-jeex oo ay ku sugan yihiin xubnaha kooxda Al-Shabaab sarkaal ka tirsan ciidanka Macawiisleyda ayaa faah-faahin ka bixiyay weerarkaasi dhanka cirka ah, wuxuuna sheegay in lagu qaaday xubno Shabaab ah oo ku sugnaa halkaasi

Howlgalku wuxuu ka dhacay meel ay Khawaarijta isku uruursanaayeen

Howlgalku wuxuu ka dhacay meel ay Khawaarijta isku uruursanaayeen, laakiin ciidamadu aysan u dhoweyn markaas oo ku taal koonfurta deegaanka Jeex-jeex” ayuu yiri sarkaalka sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Wuxuu ahaa howlgalka mid cirka ah oo kaliya, waxaana iska kaashaday dowladda Soomaaliya iyo saaxibada caalamiga ah

Ugu yaraan 46 kamid ahaa xubnihii ku sugnaa saldhigga 

Ugu yaraan 46 kamid ahaa xubnihii ku sugnaa saldhigga la duqeeyay ayuu sheegay in lagu dilay halkaasi, sida uu hadalka u dhigay khasaare aad u baahsan ayaa gaaray kooxda, sida naloo xaqiijiyay illaa 46 kamid ahaa Khawaarijta ayaa meeshaas ku naf waayey” ayuu yiri sarkaalka Macawiisleyda ah

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in la burburiyay saldhiggii ay isku uruursanayeen xubnaha Al-Shabaab, kaas oo uu tilmaamay inay ka difaacayeen deegaanka Jeex-jeex goobta waxa ay ahayd saldhig kooxda Khawaarijta ka difaaceysay Jeex-jeex hadda kuma sugna ciidamada dowladda, weli waxaa jooga Khawaarijta” ayuu mar kale yiri sarkaalka

Xaaladda ayaa weli kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada huwanta grew    obollada dhexe ee dalka ayaa waxaa weli ka socda howlgallo culus oo dhul ballaaran looga qabsaday kooxda Al-Shabaab ee ku sugan deegaannada maamulka Galmudug

Post a Comment

0 Comments