Weerar iyo dagaal toos ah oo ka dhacay duleedka Baydhaba

Kooxda alshabaab

 Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar culus

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar culus oo ay xalay dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ku qaadeen agagaarka magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ka ah ee maamulka Koonfur Galbeed weerarka oo lagu eekeeyay fariisin ay ciidamada ammaanka ku leeyihiin waqooyiga magaalada ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in dagaalka uu qaatay saacado, isla markaana la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan Saraakiil ka tirsan ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa xaqiijiyay jiritaanka weerarkaasi, waxayna sheegeen inay iska caabiyeen dagaalka lagu soo qaaday

AlShabaab ayaa dhankeeda sheegatay mas’uuliyadda weerarkan,

Al-Shabaab ayaa dhankeeda sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxayna shaaca ka qaaday in khasaare ku gaarsiisay ciidamadii ku sugnaa goobta lagu dagaalamay xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana goobta lgau dagaalamay ciidamada Koonfur Galbeed oo howlgallo ka bilaabay duleedka magaalada Baydhaba

Weerarkan iyo dagaalka xigay ayaa kusoo aaday, xilli maalmihii u dambeeyay aad loo adkeeyay amniga Baydhaba, kadib amaro ay soo rogeen laamaha amniga magaaladaasi inta badan xubnaha Al-Shabaab ayaa weeraro culus ka fuliya gobollada Baay iyo Bakool oo ay go’doomiin ku hayaan, halkaas oo ay ka jiraan xaalado adag oo nololeed

Post a Comment

0 Comments