Dagaal xoogan oo ka dhacay gobolka jubbada hoose ayaa loogu dilay kooxda alshabaab 70 xubnood

Kooxda alshabaab

 Warbaahinta Maamulka Jubbaland

Warbaahinta Maamulka Jubbaland ayaa baahisay in maleeshiyaad ka badan 70 xubnood Al-Shabaab looga dilay dagaal culus oo maanta ka dhacay ciidamada Jubbaland iyo Guutada 16-aad ee kumaandooska Danab ayaa galay godad waaweyn oo gabaad u ahaa kooxda Al-Shabaab, halkaasna waxaa lamsheegay inuu ka dhacay dagaal aad u qaraar oo looga guuleystay kooxda

Deegaanka uu dagaalkaasi ka dhacay ee Shabaab lagu weeraray 

Deegaanka uu dagaalkaasi ka dhacay ee Shabaab lagu weeraray waxaa lagu magacaabaa Aboodin, wuxuuna ka tirsan yahay gobolka Jubada Hoose 70 tiro kor u dhaafeysa oo isugu jira maleeshiyaad iyo horjoogayaal ayaa looga dilay Khawaarijta dagaalkaas oo ahaa mid toos ah iyo duqeymo xaga cirka ah oo ay fulinayeen diyaaradaha saxiibada Soomaaliya ka caawiya la dagaalanka argagaxisada,” ayaa lagu yiri war uu baahiyey TV-ga Jubbaland

Dadka deegaanka Aboodin ayaa noo xaqiijiyey in kooxda Al-Shabaab

Dadka deegaanka Aboodin ayaa noo xaqiijiyey in kooxda Al-Shabaab ay ka baxeen halka uu dagaalka ka dhacay, iyaga oo wata meydad tiro badan iyo dhaawacyo sidoo kale warbaahinta Jubbaland waxay baahisay qeyb ka mid ah muuqaal laga duubay dagaalka lagu dilay xubnahaas Shabaabka ah oo toos u socda, ciidamada Danab ayaa laga duubay muuqaalkaas, waxaana la arkayaa iyagoo toos u dagaalamaya

Maalmahaan Shabaab-ka dagaalamaya Jubbaland waxaa ku socda howlgallo culus, habeen hore galbeedka Kismaayo howlgallo ka dhacay waxaa lagu laayey horjooge sare iyo maleeshiyaadkiisii, kuwaas oo halkaas lagu soo afjaray, sida uu warbaahinta u sheegay afhayeenka ciidamada Jubaland.

Sidoo kale duqeymo culus ayaa ka dhacay magaalooyin ay ku jirto Jilib, waxaana lagu beegsaday xubno sare oo Shabaab ah oo uu ku jiro sarkaal lagu magacaabi jiray Daa’uud Khaliif, kaas oo horay Mareykanku uu madaxiisa u dul dhigay 10 milyan oo dollar

Sida ay noo sheegeen saraakiisha ciidamada, deegaanada Jubbaland waxaa toos uga bilowday wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, kaas oo dowladda Soomaaliya ay qorsheysay in Jubaland iyo K/Galbeed uu ka bilowdo markii Galmudug iyo HirShabeelle lagu soo xoreeyo wajiga koowaad

Post a Comment

0 Comments