Xubno ka soo baxsaday Shabaab oo isu soo dhiibay Ciidamada Dowladda

kooxda alshabaab

Labo xubnood oo alshabaab ah oo dowlada isku soo dhiibay 

Xubnahan oo laba nin ka koobnaa ayaa maanta siyaabooyin kala duwan isugu soo dhiibay Ciidamada Dowladda ee ku kala sugan Gobolada Shabellaha Hoose iyo Bakool adan Isaaq Aadan (Zubeyr) ayaa isu soo dhiibay Ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda ee Gobolka Bakool, ka dib markii uu go’aansaday inaanu ka sii mid ahaan maleeshiyada Al Shabaab

Idaacadda Codka Ciidamada

Idaacadda Codka Ciidamada ayaa sheegtay “Aadan Isaaq oo ku dhashay Degmada Xudur ayaa argagixisada uga biiray deegaanka Doonfuul ee Gobolka Bakool sanadkii 2019, ka dib marka uu qaatay fekerka khawaarijnimada, wuxuuna ku biiray waxa maleeshiyada ugu yeeraan jabhadaha ee Khawaarijta, isagoo ka qaybgalay dagaalo ka dhacay Gobolka Baay 

Ninka labaad oo lagu magacaabo Cabdirashiid

Ninka labaad oo lagu magacaabo Cabdirashiid Maxamed Cabdi (Indhacadde) ayaa isna isu soo dhiibay Ciidanka Guutada 14-ka October ee Xoogga Dalka ee degan deegaanka Janaale ee Gobolka Shabellaha Hoose Cabdirashiid Indhacadde oo ku dhashay Magaalada Baydhabo ayaa sanadkii 2018 maleeshiyada uga biiray deegaanka Doolandoole ee Gobolka Baay

Cabdirashiid Indhacadde ayaa sheegay in uu ka soo qayb qaatay dagaalo ay maleeshiyada Shabaabka ka galeen Gobolada Baay iyo Shabellaha Hoose, nolol adagna ka dibna uu hadda diyaar u yahay in uu ka tanaasulo fekerka Shabaabnimada, sida ay sheegtay Idaacadda Codka Ciidamada.

Isaga oo bambooyin “F1″ ku hubeysan oo uu la soo baxsaday ayaa waxaa deegaanka Janaale ku soo dhaweeyay Taliyaha Ururka 83aad ee Guutada 14-ka October, Gaashaanle Maxamed Nuur iyo Saraakiisha Guutada ee deegaankaasi ku sugan.” Ayay ku warantay idaacadduMuddooyinkii ugu dambeysay ayaa waxaa soo badanayay xubnaha ka soo goosanaya Shabaabka ee isu soo dhiibanaya Ciidamada Qalabka Sida

Post a Comment

0 Comments