Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in Shabaab-kii ugu badna lagu dilay dagaalkii caad

Dowladda Soomaaliya

Dowladda federaalka Soomaaliya 

 Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixisay khasaaraha ka dhashay dagaal aad u cuslaa oo 48 saac ee u dambeeyay ka dhacay duleedka deegaanka Caad ee koonfurta gobolka Mudug taliyaha ciidanka lugta ee xoogga dalka Soomaaliyeed General Dayax Cabdi Cabdulle oo warbaahinta dowladda la hadlay ayaa shaaciyay in dagaalkaasi lagu dilay Shabaab-kii ugu badna

Waxa uu sheegay in ka badan 80 dagaal-yahano Shabaab 

Waxa uu sheegay in ka badan 80 dagaal-yahano Shabaab ah lagu qaarajiyay dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay deegaanada Caad iyo Baraag Sheekh Ismaaciil oo hoosyimaada degmada Xarardheere ee gobolka Mudug General Dayax ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ciidanka xoogga dalka oo kaashanayay kuwa Galmudug iyo shacabka hubeysan ay Shabaab ka saareen deegaano in muddo ah farriisin u ahaa

Deegaanadaasi ayuu sheegay inay muddo kasoo abaabuli jireen 

Deegaanadaasi ayuu sheegay inay muddo kasoo abaabuli jireen weerarada ay kusoo qaadan ciidamada iyo kuwa lagu waxyeeleeyo shacabka dhul ballaaran oo runtii buuraley ah oo nimankani saldhigyo ku lahaayeen oo ciidamadu kula dagaalameen oo laga saaray, baa waxaa jira sifayntiisii,” ayuu yiri Taliye Dayax Cabdulle

Waxa uu intaas kusii daray nimankaasi waa lagu jebiyay deegaankaas, waxaana gacanta ku haya ciidamada xoogga oo kaashanaya shacabka iyo kuwa Galmudug sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada dowladda ay kooxda ka furatay hub aad u tiro badan, ayna warbaahinta usoo bandhigi doonaan deegaanada laga qabsaday kooxda iyo khasaaraha ay gaarsiiyeen

Howl-galladan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalin kahor wasaaradda difaaca Soomaaliya ay shaaca ka qaaday in dagaalladii ugu dambeeyay lagu dilay 130 ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab

Post a Comment

0 Comments