Ciidanka dowladda oo maanta si buuxda ula wareegay amniga guud ee Madaxtooyada Soomaaliya

 
Ciidanka dowladda

Ciidamada kala duwan ee Soomaaliya

Ciidamada kala duwan ee Soomaaliya oo ay ka mid yihiin ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya ee loo yaqaanno Koofiyad Casta iyo kuwa booliiska sida gaarka ah u tababaran ayaa shalay si rasmi ah ula wareegay amniga guud ee madaxtooyada dalka oo horey ay amnigeeda qeyb ka mid ah wax uga sugi jireen ciidanka howgalka ku meel gaarka ah ee ATMIS

Lix iyo toban sano kadib ciidamada ATMIS

Lix iyo toban sano kadib ciidamada ATMIS ayaa wareejiyey amniga Madaxtooyada Soomaaliya oo ah halka dalka looga arrimiyo sidoo kalena ay daggan yihiin madaxda dowladda Soomaaliya ugu sarreysa qaybta koowaad ee ciidamada ATMIS oo ah Ciidamada Difaaca Dadka Uganda (UPDF) ayaa si guud mas’uul uga ahaa ammaanka madaxtooyada Soomaaliya oo ay ku yaallaan xafiisyada Madaxweynaha, Raysal Wasaaraha iyo Baarlamaanka tan iyo sanadkii 2007-dii

Wasiirka Wasaaradda Gaashandhigga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Gaashandhigga Soomaaliya Cabdulqadir Maxamed Nuur, oo wareysi siyay BBC-da ayaa sheegay in qorshaha la wareegitaanka amniga guud ee maxtooyada Soomaaliya uu ahaa qorshe in muddo ah socday, haddana lagu guuleeystay dhowaan waxaa dalka ka baxay 3000 oo askari oo ka tirsan ciidanka ATMIS

Meelaha ay joogaan ee ay wareejiyeen waxaa ka mid ah madaxtooyada oo ay ku yaallaan saddex xafiis ee dalka ugu sarreeysa oo kala ah madaxweynaha, guddoomiyaha baarlamaanka iyo kan ra’iisul wasaaraha oo in muddo ay joogeen oo ammaankooda loo xil saaray,” ayuu yir Wasiirka Gaashandhigga Soomaaliya

Wasiirka ayaa sheegay in ciidanka milatariga ay si buuxda ula wareegeen ammaanka madaxtooyda iyo madaxda dalka, ayada oo haddii loo baahdana ay gacan siin doonaan ciidanka booliiska iyo nabad-sugidda Ciidamada milatariga Soomaaliya gaar ahaan guutada 77aad ee loo yaqaanno Koofiya Casta oo hadda si buuxad ula wareegay ammaanka Madaxtooyada ayaa iyagu markii horaba qayb uga ahaa sugidda ammaanka guud ee madaxtooyada Soomaaliya, waxaana ay ku suganaayeen waddooyin dhowr ah oo soo gala madaxtooyada kuwaas oo kala ah

Axmed Maxamed Cali Afcaddeey oo soo noqday taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in ciidanka Koofiya Casta ay yihiin kuw si gaar ah loo soo xulo marka la qaadanayo, maaddama ay ilaalinayaan ammaanka guud ee madaxada dalka waa ka duwan yihiin ciidanka kale, marka la soo xulay oo waxa laga fiiray meel badan oo ay ka mid yihiin sumcada qofka,caafimaadkiisa iyo aqoonta,” ayuu yir Afcadeey

Garoonka iyo dakadda oo ah xarumaha ugu weyn ee dowladda ayay wali sii joogi doonan ciidanka waxaana filayaa in ayaga aan kala wareegi doonno ugu dambeyn si kastaba ha ahaatee, ciidamada ATMIS ayaa wali gacanta ku haya amniga xarumo kale oo muhiim ah oo ku yaalla gudaha magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay ka mid yihiin garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle iyo dekadda weyn ee Muqdisho

Post a Comment

0 Comments