Ciidamada Nabad-Sugida Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigtay koox iyo gawaari qalab u siday Al-Shabaab

Kooxda alshabaab

 Ciidamada Nabad-Sugida Soomaaliya

Ciidamada Nabad-Sugida Soomaaliya oo howlgal ka sameeyay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa gacanta ku soo dhigay gawaari qalab siday qalab iyo siddeed ruux oo kusii jeeday dhanka kooxda Al-Shabaab sida ay shaacisay warbaahinta dowladda ciidamada ayaa qabtay saddex gaaari oo ay ku raranyihiin Alaabo electronics u badan iyo sidoo kale dadkii watay 

Ragga lasoo qabtay waxaa ku jira Muwaadin u dhashay dalka Uganda

Ragga lasoo qabtay waxaa ku jira Muwaadin u dhashay dalka Uganda, sida lagu shaaciyay qoraalka kasoo baxay Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA gawaarida ayaa lagu qabtay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose waxaa sidookale Ciidanku gacanta ku dhigeen 8 Ruux oo uu ku jiro Muwaadin u dhashay dalka Uganda” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka

NISA ayaa intaasi kusii dartay qalabkan

NISA ayaa intaasi kusii dartay qalabkan loo waday kooxda Al-Shabaab, isla markaana ujeedka uu ahaa in lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed kooxdaan Ciidanka Sirdoonku gacanta ku dhigay ayaa ku sii jeeday goobaha Al-shabaab  joogto waxaana lagu tuhunsan yahay in qalabka ay u wadeen  al-shabaab si loogu adeegsado gumaadka Shacabka Soomaaliyeed” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka

Ciidamada ammaana ayaa sidaan oo kale horay gacanta ugu dhigay rag loo waday Al-Shaabaab iyo qaar kamid ah xaasaskooda, kadib howlgallo ka dhacay Shabeelooyinka maalmihii u dambeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa kordhiyay howlgallada lagu sugayo amniga caasimada ee ka socda Muqdisho iyo deegaanada kale ee u dhow dhow

Post a Comment

0 Comments