Cali Maqane iyo Axmed Cali Gadaf oo isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya

 
Kooxda alshabaab

Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud

Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in odayaal dhaqameedyo la shaqeynayay kooxda Al-Shabaab ay maanta isku soo dhiibeen ciidamada dowladda ee ku sugan gobolkaasi labada oday dhaqameen oo caan ka ah gobolka ayaa isku soo dhiibay dowladda, waxayna kala yihiin Cali Maqane iyo Axmed Cali Gadaf oo ka mid ahaa Odayaasha sida dhaw ula shaqeeyn jiray xubnaha AlShabaab ee ku sugan aagga degmada Ceeldheer iyo Deegaanka Cowswayne

Saraakiil ka tirsan dowladda 

Saraakiil ka tirsan dowladda ayaa sheegay inay odayaashan ay soo dhaweeyeen, ayna usii gudbin doonaan hay’adaha ee ku shaqada leh isa soo dhiibayaasha Al-Shabaab Axmed Cali Gadaf ayaa kooxda u qaabilsanaa  in uu u keeno xoolaha baadda ah oo ay ka doonayaan dadka ku nool deegaanka Cowswayne, wxuuna sidoo kale ka mid ahaa odayaal dhawaan kooxdu ay kusoo Bandhigay deegaankaas, intii aysan gaarin Ciidamada Xoogga.

Sidoo kale Cali Maqane ayaa isna  ahaa Oday Dhaqameed xoolaha baada ah reerkiisa uga soo uruuriya Kooxda,isaga oo dhowr jeer oo hore ka badbaaday weerar ay ku qaadeen ciidamada dib u xoreeynta deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa isa soo tarayay xubnaha kasoo goosanaya Al-Shabaab, waxaana sababta lagu sheegay dagaalka culus ee lagu qaaday kooxda

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka soconaya guluf dagaal

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka soconaya guluf ay iska kaashanayaan dowladda federaalka iyo dadka deegaanka, kaas oo dhul ballaaran looga qabsaday Al-Shabaab

Post a Comment

0 Comments