Madaxweyne Xasan Sheikh oo dowladda Mareykanka kala hadlay iskaashiga dagaalka Alshabaab

Kooxda alshabaab

Madaxweynaha somaliya iyo siihayaha Safaaradda Maraykanka oo kulmay

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Muqdisho kulan kula qaatay siihayaha Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya A.I Shane Dixon iyo Korneyl David J.Haskell oo ah Taliyaha Howlgalka AFRICOM ee Soomaaliya dowladda Maraykanka ayaa muujisay taageeradeeda ku aaddan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab oo dowladda Soomaaliya u ah qorshaha koowaad

Mareykanka oo amaanay ciidamada somaliya

Mareykanka ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh  iyo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ku ammaanay sida ay uga libinta keeneen wajiga koowaad ee dagaalka ka socda Soomaaliya waxaan ognahay in gacanta argagixisada laga saaray deegaanno badan oo istaraatiiji u ah isu-socodka iyo dowladnimada Soomaaliyeed,” ayuu yiri safiirka Mareykanka

Alshabaab oo laga xoog badiyay

Madaxweyane Xasan Sheekh oo kulankan ay kala qeyb-galeen Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa soo bandhigay go’aanka mideysan ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay isla qaateen ee ku aaddan in ay iska dulqaadaan argagixisada ciriiriga ku haysa nolasha dadka Soomaaliyeed

Madaxweynaha ayaa ku dheeraaday sharaxaad ku saabsan doorka horumarineed ee Soomaaliya amni ah ay ka qaadan karto  Geeska Afrika Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyey taageerada farsamo iyo milatari ee saaxiibada caalamku ay ka qaadanayaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-shabaab

Ugu dambeyntii intii kulankaasi socday wuxuu Madaxweynuhu tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay mudan yihiin taageero ciidan oo taas ka mug weyn, maadaama argagixisadu ay yihiin aafo caalami ah oo lagu dabar-gooyo iskaashi heer gobol iyo heer caalami ah

Post a Comment

0 Comments