Faahfaahin ku saabsan qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay duleedka Muqdisho

Kooxda Alshabaab

 Faahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax xoogan

Faahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo saaka aroortii hore ka dhacay gudaha deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho, kaas oo jugtiisa si xoogan looga maqlay halkaasi qaraxa oo ahaa ismiidaamin ayaa waxaa wararka qaar ay sheegayaan in loo adeegsaday gaari aan xabadda karin ( Bulet Proof) oo laga soo buuxiyay walxaha qaraxa kaas oo lagu weeraray saldhig ay ciidamada dowladda ku leeyihiin

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay inay ku waabariistay

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay inay ku waabariistay jugta qaraxa, waxaana kadib xigay rasaas xoogan oo ay rideen ciidamada ammaanka ee ku sugnaa halkaasi Xerada la weeraray waxaa si wadajir ah u dagan ciidanada xaslilinta caasimada iyo kuwa NISA ee Duufaan

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dhimashada ay gaareysi  ilaa 10 askari 

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dhimashada ay gaareysi  ilaa 10 askari oo ay ku jiraan taliyayaal horin iyo kooxeed, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan qaraxa ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha oo ku yaalla waddada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye

Inta badan waxaa deegaankan cirifka ku yaalla weeraro culus kusoo qaada Al-Shabaabka ku sugan gobolka Shabeelaha Hoose, iyaga oo bartimaameedsada ciidamada qaraxan ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaan dari ee haatan ka dhacaya caasimada iyo hareeraheeda, waxaana culeys soo saaray kooxda Al-Shabaab oo inta badan lagu jebiyay dagaallada ka socda gobollada dalka

Post a Comment

0 Comments