Puntland oo shaacisay in 75 qof usoo xirtay dil iyo kufsi loo geystay wiil 11 jir ah

Maamul goboleedka Putland

  Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayaa shaaciya

Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayaa shaaciyay tiradii ugu badneyd ee loo xiray kiiska  wiil 11 jir ah oo dil iyo kufsi loogu geystay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug booliska ayaa sheegay in 75 qof usoo xireen kiiskaan, kuwaasi oo isugu jira kuwo aad loogu tuhmayo inay ku lug leeyihiin falkaas foosha xun

Taliyaha Saldhiga Galbeed ee magaalada Gaalkacyo

Taliyaha Saldhiga Galbeed ee magaalada Gaalkacyo Laba-xiddigle Samatar Cabdulahi Awkax oo warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in kiiskaan uu xilli habeen ah ka dhacay goob kaam ah oo uu ku noolaa wiilka laamaha amniga waxay ku sameeyeen kiiskii baaritaan waxaana loo soo xiray dad badan oo gaaraya illaa 75 qof,” ayuu yiri Laba-xiddigle Samatar Cabdulahi Awkax

Sidoo kale waxa uu sheegay in shaqsiyaadka lasoo xiray

Sidoo kale waxa uu sheegay in shaqsiyaadka lasoo xiray ay ku jiraan kuwii goobtaasi ka agdhawa, ayna soo bixi doonto xaqiiqada, maadaama durba baaritaanon lagu bilaabay eedeysanayaasha loo soo qabtay falkaan goobta dadkaas laga soo xiray oo aheyd kaam uu ku noola wiilka yarka ah, waxaana dadka ku jira kuwa tuhuno laga qabo, waxayna ku xiran yihiin saldhigga galbeed ee Gaalkacyo

Waxa uu sheegay in kiiskan ay hadda gacanta ku hayaan laanta baarista dambiyada, “Bulshada waxaa la socodsiinayna in si fiican kiiskaas loo soo bandhigi doono, eedeysanayaasha kiiskaas ku eedeysnaa way xiran yihiin hay’adaha amniga ayuu sheegay inay ka go’an tahay in lasoo qabto cid kasta oo falkaas foosha xun ka dambeysay, si caddaaladda loo mariyo

Allaha u naxariisto wiilkaas, cadaalad Insha Allaha wuu heli doona, ciddii gashay kiiskaana waa la horkeeni doona cadaaladda. Howshaana wey dhamaan doonta

Post a Comment

0 Comments