Ciidamada DF oo dagaal kula wareegay deegaan ku yaalla Bakool

 
Kooxda alshabaab

Wararka ka imaanaya gobolka Bakool

Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanayaa kuwa maamulka Koonfur Galbeed ay howlgallo culus ka sameeyeen agagaarka degmada Waajid oo ka tirsan gobolkaasi ciidamada huwanta ayaa dagaal kula wareegay deegaanka Eel-Boon Oo qiyaasti 48 KM dhanka galbeed ugae began degmada Waajid ee Gobolka Bokool

Taliyaha Ururka 260-aad ee guutada 9-aad

Taliyaha Ururka 260-aad ee guutada 9-aad, qeybta 60-aad ee xiidanka Xoogga Dhamme Onkod Macalin Aadan ayaa ka warbixiyay howlgalkaasi, kadib wareyso uu siiyay warbaahinta dowladda, kaas oo uu ku xaqiijiyay in Shabaab laga qabsaday deegaankaas ururka 260aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyed ayaa Khawaarijta kala wareegay Gacan ku haynta deegaanka Eel-Boon Oo Qiyaasti 48 KM dhanka Galbeedka kaga began degmada Waajid ee Gobolka Bokool’ ayuu yiri Taliye Onkod Macalin Aadan

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyay inay howlgalkan kusoo furteen hub

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyay inay howlgalkan kusoo furteen hub iyo gaadiid ay ka carareen xubnaha Al-Shabaab ee laga fara maroojiyay deegaanka Eel-Boon ee Bakool howlgalka xoreynta Eel – Boon ayaa Khawaarijta looga Furtay hub iyo Gawaari ay u isticmaalayeen dhibaateynta shacabka oo ay uga carareen deegaankaas” ayuu ku daray

Taliska ciidamada Xoogga dalka ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan halkaas, si Al-Shabaab looga xoreeyo dhulkaasi Baay iyo Bakool ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan yihiin xubnaha Al-Shabaab, waxaana haatan ka socda qorshe Al-Shabaab looga saarayo gobolladaasi

Post a Comment

0 Comments