Waa kuma wiilka Madaxweyne Xasan Sheekh ee lagu arkay furimaha dagaalka

Dhacdooyinka maanta


 Baraha bulshada waxaa maanta si weyn loogu falanqeeyay sawirka wiil dhallinyaro ah oo albaabka gaari gaari Cabdibile ah ka furaya madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud mar uu gaaray degmada Aadan-Yabaal, waxaana laga bixiyey aragtiyo kala duwan cabdifitaax xasan sheekh ayaa lagu magacaabaa wiilka ay aragtidiisu hadal-heynta badan abuurtay maanta

Waxaana Aabe u ah madaxweynaha dalka oo maalmahaan ku sugan furimaha dagaalka wasiir kuxigeenka wasaaradda warfaafinta ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Caddaalada ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in qofka la socda madaxweynaha ee sida weyn loo faaqiday uu yahay wiilkiisa oo furinta u raacay

Wiilka uu dhalay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xogta ilaa iyo haatan aan ka heleyno waxa ay muujineysaa in hore uu ugu noolaa dalka Turkiga wuxuuna ka shaqeynayay mid kamid ah xawaaladaha Soomaalida dad badan ayaa is weydiinaya in Cabdifitaax uu yahay askari ka tirsan ciidamada dowladda maadaama uu soo muuqday isaga oo ku labisan Tuutaha militeriga Soomaaliya

Warar aan ka heleyno xogta wiilkaan ayaa sheegaya in uusan ahayn askari ka tirsan ciidamada dowladda, balse haatan uu kusoo laabtay dalka si uu u garab istaago Aabihiis madaxweyne Xasan Sheekh oo muddo bil ah aan Muqdisho tegin, furintana u jooga hoggaaminta dagaalka

Cabdifitaax Xasan Sheekh ayaa sawirrada la baahiyay waxa ay muujinayaan isaga oo albaabka gaariga ka furaya madaxweynaha, waxaase xusid mudan in uusan kamid ahayn ciidamada dowladda, isla markaana uusan heysan tababar ciidan, taasi oo loo qaadan karo in khaladaad uu ku yimaado habka ilaalinta amniga madaxweynaha xilli uu ku sugan yahay furimaha dagaalka

Axmed Kaboole oo ku takhasusay arrimaha amniga, kana fallooda oo BBC la hadlay ayaa yiri, “Amniga madaxweynaha waa arrin khaas ah oo loo xil saaray dad heysta tababar khaas ah waa dad la hubiyay noloshoodii hore waa dad la hubiyay caafimaadkooda iyo sidoo kale in ay ka madax bannaan yihiin kooxo ama shaqaale ka tirsan xafiiska madaxweynaha, si loo aamino madaxweynuhuna isugu halleyn karo, sababtoo ah waa dadka ugu dhow ee noloshiisa ilaalinaya ilaahay ka sokoow

Inta badan dadka maanta faaqiday sawirka la helay ee wiilka Madaxweynaha waxay muujiyeen in qoyska Xasan Sheekh aysan u kala harin dagaalka, halka siyaasiyiinta kale la tilmaamay in badankood aysan sameyn laheyn sidaas meelaha khatarta ah waxay dadku tilmaameen in siyaasiyiinta kale ee Soomaalida aysan u ogoleyn ubadkooda, halka Madaxweyne Xasan Sheekh uu u watay furimaha dagaalka, xilli dalku uu ku jiro xaalad adag oo argagixiso la dirir ah

Post a Comment

0 Comments