Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday degaanka Nuur Dugle ee gobolka Shabeelaha Dhexe

Kooxda Al-Shabaab


 Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saaka aroortii hore ay Al-Shabaab weerar culus ku qaadeen deegaanka Nuur Dugle ee gobolkaasi, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka weerarka ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyo ciidamada huwanta iyo ragga weerarka qaaday kaas oo illaa iyo hadda ka socda deegaanka

Kooxda weerarka soo qaaday ayaa beegsatay saldhigyo ay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda ku leeyihiin halkaasi sidoo kale inta uu weerarka socday ayaa waxaa la maqlayay qaraxyo xoogan oo ay adeegsanayeen Al-Shabaabka weerarka qaaday, sida aanu ka soo xiganay dadka deegaanka

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana labada dhinac ay weli is-weydaarsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan saraakiil u hadashay milatariga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay sameeyeen iska caabin, isla-markaana uu weli socda howlgalka 

Ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarkan iyo dagaalka ka dambeeyay ee u dhexeeyo AlShabaabka weerarka soo qaaday iyo ciidamada huwanta ee ku sugan halkaasi maalmo ka hor ayay aheyd markii ay sidaan oo kale kooxda u weerartay deegaanka Daarunicma oo hoosta degmada Ruun-Nirgood, kaas oo ay ka hortageen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee ku sugan deegaankaasi, kadib gurmad ay heleen

Si kastaba Nuur Dugle oo u dhow Masaajid Cali Gaduud ayaa ka mid ah deegaamadii ugu dambeeyay ee lagala wareegay kooxda Al-Shabaab, kadib guluf ay dowladda ku qaaday meelaha ay ku sugan yihiin xubnaha kooxdaasi

Post a Comment

0 Comments