Dowladda Mareykanka ayaa $2 Milyan oo Dollar ugu deeqay ciidamada Somalia si ay u xoojiyaan dagaalka AlShabaab

Dowladda Mareykanka


 Dowladda Mareykanka ayaa $2 Milyan oo Dollar ugu deeqay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, si ay u xoojiyaan dagaalka Al-Shabaab mareykanka ayaa lacagtan ku shubay Sanduuqa Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) oo si gara ah taageero siiyay ciidamada Xoogga dalka.

Sii-hayaha Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho Shane Dixon oo ka hadlay kaalmadan lacageed ayaa shaaca ka qaaday in lagu maalgelin doono gaadiidka iyo daadgureynta daawaynta ciidamada Xoogga Soomaaliyeed iyadoo la raacayo waajibaadka UNSOS waa muhiim in ciidamada ammaanka ee Soomaaliya iyo kuwa ATMIS ay helaan taageerada saadka ee loo baahan yahay si looga adkaado al-Shabaab goobaha dagaalka,” ayuu yiri Shane Dixon

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in mar kasta dowladda Mareykanka ay ka go’an tahay taageeridda nabadda Soomaaliya, si loogu soo dabaalo xasilooni iyo kala dambeyn waan ku hanweynahay inaan taageerno UNSOS, oo ah saaxiibka muhiimka ah ee Mareykanka iyo Soomaaliya hadafkeenna aan wadaagno ee horumarinta nabadda.” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Sii-hayaha Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho

Lacagtan cusub ee loogu deeqay ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxa ay ku heleen dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab, waxaana ujeedka uu yahay inay laba jibaaraan howlgallada culus ee ay haatan ka wadaaan koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya mareykanka ayaa kamid ah dalalka sida tooska ah uga qayb qaato dagaalka lagula jiro Al-Shabaab 

Wuxuuna dhanka hawada ka taageera ciidamada la dagaalamaya Al-Shabaab wuxuu sidoo kale Mareykanka tababar iyo qalab siiyaa ciidanka kumaandooska Danab oo iyaguna door muuqdo ku leh howlgalka haatan ka socda inta badan gobollada dalka

Post a Comment

0 Comments