20 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab lagu dhex-dilay guri ay ku shirayeen hogaamiyaasha kooxda

Kooxda AlShabaab


 Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixisay howlgal qorsheysan oo ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab laguna gaarsiiyay khasaare xoogleh qoraal kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in howlgalkan oo ay iska kaashadeen ciidamada Xoogga dalka iyo saaxibada caalamiga ah uu ka dhacay deegaanka Towfiiq oo hoostaga degmada Kuntuwaaray

Halkaas oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Shabaab dowladda ayaa sheegtay in weerarkaas lagu dilay in ka badan 20 ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ku sugnaa guri ku yaalla deegaanka Towfiiq ee gobolkaasi in ka badan 20 ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay howlgal aad loo qorsheeyay oo ka dhacay deegaanka Towfiiq ee hoostaga degmada Kuntuwaaray ee Gobalka Shabeellada Hoose

Kaas oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya warka qoraalka ah ayaa intaasi ku daraya in xubnaha lagu dilay howlgalkan ay ku jiraan saraakiil sar sare oo ku sugnaa guriga la weeraray

Howlgalkaan oo bartilmaameed ahaa ayaa lagu laayay horjoogayaal iyo maleeshiyaad Khawaarij ah oo ku sugnaa guri ku yaalla deegaankaas” ayaa mar kale lagu yiri dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaas ee ay guusha ka sheegatay dowladda Soomaaliya.

Shabeelaha Hoose ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan yihiin maleeshiyada Al-Shabaab, waxaana inta badan ka dhacay dagaallo u dhexeeyo iyaga iyo ciidamada dowladda

Post a Comment

0 Comments