Ra'iisal wasaaraha soomaaliya xamza cabdi barre oo hal arrin ku adkeeyey ciidamadii soo baneeyey furimaha dagaalka

Dagaalka alshabaab

 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo maanta safar ku tegay degmada Aadan-Yabaal ayaa halkaas kula hadlay saraakiil iyo geesiyaal ka tirsan ciidanka xoogga dalka, isagoo u sheegay in aan la aqbali doonin wax walba oo xagal-daacinaya halganka uu dhiigga badan ku soo daatay ee dalka looga sifeynayo Khawaarijta Al-Shabaab.

“Halgankan aad dhiigga badan u soo hurteen lama aqbali karo in la majo xaabiyo, cid walba waa lagula xisaabtamayaa masuuliyadda saaran, idinkuna waxaad tihiin geesiyaal diyaar u ah duruufta ugu adag in ay kula dagaalamaan cadowgooda waxaad u dhimanaysaan, u- gaajoonaysaan waa waddankiina oo aad cadowga ka difaacaysaan,” ayuu maanta yiri R/Wasaare Xamse

Ra’iisul Wasaaraha oo fagaare ku yaalla Aadan-Yabaal kula hadlay ciidamo aad u badan oo soo baneeyey furimaha dagaalka ayaa u balan qaaday in dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay siinayaan wax kasta oo ay tabanayaan wuxuu ka codsaday inay ku laabtaan deegaanadii ay ka soo baxeen, waxaana la sheegay in ciidamada iyo saraakiisha hoggaamineysa ay aqbaleen codsigii maanta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in dal uusan horumar iyo isku-filnaansho gaari karin haddii uusan lahayn halyeeyo naftood hurayaal ah oo isku dhiga cadowga, isla markaana u sabra duruufo walba oo soo food saara sidoo kale Xamsa ayaa hoosta ka xariiqay in dagaalka uu sii socon doono inta ay ku harsan yihiin argagixisadu taako ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya

Wuxuuna ugu baaqay muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay garab iyo gaashaan u noqdaan difaacayaasha qaranka ee dhiigooda u huraya xoreynta dalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixinno la xiriira xaaladaha bulsho ee ka jira degmada Aadan Yabaal iyo deegaannada u dhow ka dhageystay odayaasha dhaqanka iyo maamulka degmada

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa reer Aadan-yabaal u sheegay in Xukuumadiisa ay ka go’an tahay in adeegyada aas-aasiga ah la gaarsiiyo dhammaan degmooyinka iyo deegaannada laga xoreeyay Khawaarijta Al-Shabaab 

Post a Comment

0 Comments