Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sheegay in la joogo waqtigii lala xisaabtami lahaa kuwa awoodda ciidanka ku tagri falay

Kooxda alshabaab

 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Dhuusamareeb ayaa fartiin u diray shacabka iyo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira Khawaarijta Al-Shabaab madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay dagaalkii Cowsweyne, isagoo sheegay in kooxda Al-Shabaab ay faafisay warar been abuur ah, isla markaana ay ka been sheegeen lambarka ay ku faaneen inay ka dileen ciidanka qaranka

Madaxweyne Xasan ayaa ku goodiyey inuu la xisaabtamayo saraakiisha iyo masuuliyiinta sameysa dayacaada, isagoo carrabka ku adkeeyey in dowladi tahay ‘isla xisaabtan madaxweynaha ayaa shirkiisaan jaraa’id ku sheegay in AlShabaab ay hal xabaal wadareed ku aaseen 190 dagaalame oo looga dilay dagaalkii Cowsweyne.

Wuxuu sheegay in kooxdu ay dhameystirtay dhaawacyadii maleeshiyaadkooda ka soo gaaray dagaalkii Cowsweyne, isla markaana ay ku aaseen hal xabaal wadareed ciidanka Qaranka waxay ka daba tegi doonaan xabaal wadareedyada ay sameeyeen Khawaarijtu waana la baari doonaa, waxaa ku dhacay jab culus, inay dhaawacyadooda dhameystiraan waxaa ku kaliftay daawo uma hayaan, umana naxayaan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha ayaa balan qaaday inaysan jirin doonin magaalo laga saaray Al-Shabaab oo dib looga bixi doono, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyey in muddo kooban lagu soo afjari doono  dagaalka wajigiisa koowaad ee Galmudug ka socda ugu dambeyntii Madaxweynuhu wuxuu ka codsaday shacabka inay garab istaagaan ciidanka qaranka iyo dowladda

Si looga guuleysto cadowga, isagoo aad u amaanay ciidamada qaranka iyo dadka deegaanada Galmudug iyo HirShabeelle ee isku abaabulay inay la dagaalamaan kooxda 

Post a Comment

0 Comments