Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed oo faahfaahin kasoo saaray dagaal shalay galabtii ka dhacay Daarunicma

Kooxda alshabaab


  Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Axmed Aadan Cali oo shir jaraa’id ku qabtay banaanka hore ee Masjidka caanka ah ee deegaanka Daarunicma ayaa faahfaahin ka bixiyey dagaal culus oo maanta ka dhacay deegaankaas Kooxda AlShabaab ayaa soo weerartay degaanka Daarunicma wuxuuna Taliyuhu sheegay in halkaas jab culus lagu gaarsiiyey kooxda Al-Shabaab

Kadib markii ay is farasaareen ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka waxaan joognaa Masjidkii weynaa ee Daarunicma waxaa deegaankaan gacanta ku haya ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka si wanaagsan ayaan uga guuleysanay kooxdii weerarka soo qaaday oo aad ayaa loogu jebiyey dagaalka,” ayuu yiri Taliyaha ciidanka dhulka

Jeneraal Axmed Aadan oo shirkaan jaraa’id qabtay casir liiqii galabta ayaa sheegay in ciidanku ay howdka ku sii baacsanayaan Al-Shabaab-kii weerarka soo qaaday oo jidanaya meydad iyo dhaawacyo ka soo gaaray dagaalkii ka dhacay Daarunicma waxaan ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka uga mahadcelinayaa sida geesinimada leh ee ay isaga difaaceen cadowga weerarka soo qaaday

Waa dagaalanteen waxaana tihiin geesiyaal naftooda huray,” ayuu yiri Taliyaha ciidanka dhulka wuxuu ku faanay in ciidanka xoogga dalka aysan ka baqin geerida isagoo ku tilmaamay geesiyaal aan la maleysa karin sida ay u dagaalamayaan iyo qadiyadda adag ee ku jirta hadii mar kale ay Khawaarijtu isku daydo weerar kale inay soo qaado waxay u jebi doonaan sida shalay oo kale

Hadda kadib kuma sugi doono halkaan ee howdka ay galeen ayaan uga dabageli doonaa,” ayuu yiri Taliye Axmed Aadan markii laga soo tago ciidanka xoogga dalka, deegaanka Daarunicma waxaa ku sugan ciidamo is abaabulay oo dadka deegaanka ah, kuwaas oo marar badan Al-Shabaab ka difaacday, kuna jebiyey weerarro ay ku soo qaadeen deegaankaas

Post a Comment

0 Comments