Ku dhowaad 30 ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal ka dhacay gobollada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya

Kooxda alshabaab

 Wararka ka imaanaya Galmudug ayaa sheegaya in weli ciidamada dowladda ay howlgallo culus ka wadaan gobollada dhexe ee dalka howlgalladan ayaa waxaa lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen AlShabaab oo ku yaalla gobollada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya

Wararka ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda oo kaashanaya iyo kuwa deegaanka ay gudaha u galeen deegaanada Miliqo iyo Baalal-dheer, isla-markaana ay beegsadeen saddex xarumood oo ay Al-Shabaab kaga sugnaayeen deegaanadaas

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in howlgalladaasi lagtu dilay ugu yaraan 27 xubnood oo ka tirsanaa xubnaha AlShabaab ee ku sugnaa deegaanadaasi sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi kusii daray inay cagta mariyeen gaadiid iyo saanad ciidan oo ay lahaayeen xubnaha AlShabaab ee lagu laayay howlgalkaasi

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegatay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa gobollada Galgaduud iyo Mudug ee dowlad goboleedka Galmudug

Howlgalladan oo soo socday todobaadyadii lasoo dhaafay ayaa waxaa jab xoogan lagu gaarsiiyay AlShabaab, ayada oo sidoo kale looga qabsaday dhul aad u ballaaran si kastaba, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dagaalkan wax ka hoggaaminaya, kaas oo u guuray caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug

Post a Comment

0 Comments