Wararkii ugu dambeeyay ee xilka qaadista Joe Biden

Kooxda alshabaab

  Mudanayaasha Xisbiga Jamhuuriga ee Aqalka Wakiilada ee Maraykanka ayaa lagu wadaa inay toddobaadka soo socda qabtaan fadhigii ugu horreeyey ee lagaga hadlayo xil ka qaadista madaxweynaha Maraykanka Joe Biden maadaama ay haystan aqlabiyad aad u yar waa arrin aad u adag inay meel mariyaan xubnaha xisbiga Jamhuurigu 

Mooshinka ka dhanka ah madaxweyne Biden kaas oo haddii ayba ansixiyaan ay maxkamadayntiisu ka dhacayso aqalka sare ee Senate-ka guddida kormeerka ee aqalka wakiillada ayaa la filayaa inay Khamiista dambe lafaguraan eedaha loo jeediyey Biden ee ku aaddan inuu si khaldan u adeegsaday xilkiisa 

Xilligii uu ahaa madaxweyne ku xigeenka Maraykanka isaga oo taageero u fidiyey ganacsiyada shisheeye ee wiilkiisa Hunter uu ku lug lahaa xubnaha xisbiga Jamhuuriga ayaa sidoo kale ku eedeeyey Biden inuu u adeegsaday xafiiskiisa inuu xidhiidhiyo dedaaladaas iyo inuu ka ilaaliyo wiilkiisa in baadhitaan lagu sameeyo

Guddiyo kala duwan oo ay hoggaamiyaan xisbiga Jamhuuriga ayaa muddo bilo ah, waxay siyaabo kala duwan u baadheen eedahaas, hase ahaatee may celin caddaymo ku filan oo taageeraya sheegashooyinkooda Jerry Nadler oo ah mudane ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga 

Isla markaana xubin ka ah guddida garsoorka ayaa sheegay in xubnaha xisbiga Jamhuurigu inay lacago badan oo ay leeyihiin cashuur bixiyayaashu inay u adeegsadeen baadhisyo kala duwan oo aan sal iyo raad toonna lahayn, kuwaas oo ka dhan ah Biden iyo qoyskiisa

Post a Comment

0 Comments