Indha-Qarshe oo soo jeediyay in wasiir Jaamac iyo masuuliyiin kale kasoo tagaan furinta

Indha-Qarshe

 Jeneraal Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe oo ka hadlay dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah ayaa waxa uu walaac ka muujiyay sida ay dowladda u wado howl-galka taliyihii hore ee ciidanka xoogga dalka ayaa waxa uu sheegay in aan loo baahneyn in masuuliyiinta sar-sare ee ciidanka ay joogaan furinta balse ay tahay in saraakiisha ciidanka loo daayo hagida iyo hoggaaminta ciidanka si howl-gallada u noqdaan kuwa guuleysta

Jeneraal Indha Qarshe ayaa waxa uu si gaar ah walaac uga muujiyay joogista wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ee furinta dagaalka, maadaama ay jiraan howlo ka muhiimsan oo aheyd in wasiirka uu dhaqaajiyo, sida uu hadalka u dhigay wasiirka Gaashaandhiga loogama baahna furinta dagaalka howlo badan oo laga rabay ayaa baaqanaya, taasi sax maaha

Taliyaha xoogga dalka ayaan laga rabin xitaa furinta inuu tago furinta rag baa u jooga taliye horin baa jooga, taliye guuto ayaa jooga,” ayuu yiri Jeneraal Indha Qarshe sidoo kale waxa uu soo jeediyay si Al-Shabaab looga adkaado in howsha dagaalka looga dambeeyo saraakiisha deegaanka taqaana oo aysan taliyeyaasha kale raacin, taasi oo ku macneeyay in meesha ka saareyso inay lumeyso kala amar qaadashadiii

Kala amar qadaashadii ayaa meesha ka baxeyso, isku xirnaantii ciidanka ayaa lumeysa, qof walba shaqadiisa haloo daayo oo yaan lagu fara gelin,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Jeneraalka hadalka Jeneraalka ayaa imanaya saacado un kadib markii uu shalay madaxweyne Xasan Sheekh wax ka bedel ku sameeyay hoggaanka ciidanka isagoo taliyayaal cusub u magacaabay xilalka taliye xigeenka ciidanka xoogga dalka iyo taliyaha ciidanka lugta

Iyada oo saraakiishii hore la ceyriyay lagu eedeeyay xil gudasho la’aan sidoo kale waxay kusoo aadeysa xilli furimaha hore ee dagaalka laga soo warinayo in mararka qaar ay masuuliyiinta ciidanka bixiyaan amaro is-khilaafsan kuwaas oo mararka qaar ciidanka dhexda ka galsha halis laga baaqsan karayay

Isku soo wada duubo, dhameystirka wejiga koowaad ee dagaalka ayaa xilligaan dardar xooggan ku socda, ayada oo madaxweynaha uu xarun uga dhistah soo afmeerkan wejigan magaalada Dhuusamareeb, si loogu gudbo wejiga xiga oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska

Post a Comment

0 Comments