Dowlada soomaaliya oo shaacisay tirada Shabaabkii lagu laayey deegaannada Sargo iyo Qodqod oo ka tirsan Gobolka Mudug

Kooxda Alshabaab

 Dowladda Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ka soo saartay dagaal ay galabta Ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka Khawaarijta Al-Shabaab uga xoreeyeen deegaannada Sargo iyo Qodqod oo ka tirsan Gobolka Mudug hawlgalkaasi waxaa lagu dilay in ka badan 30 Khawaarij ah, iyada oo sidoo kale cadawga looga gubay afar gaari, lagana qabsaday  labo gaari iyo hub badan

Ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka oo ku jira hawlgalka sifeynta ayaa maleeshiyaadka Al-Shabaab waxa ay isku dayeen in ay dagaal kala hortagaan dhanka deegaanka Qodqod ee ku yaalla duleedka magaalada Camaara, waxaana galabta halkaas ka dhacay dagaal aad u culus

Dowladda Soomaaliya waxa ay u mahadcelinaysaa shacabka geesiyaasha ah ee go’aansaday in ay cadawga ummadda Soomaaliyeed ee Khawaarijta ah iska dul qaadaan garabna istaagaan Ciidanka qaranka,” ayaa lagu qoraalka dowladda qoraalka dowladda ayaa intaas ku sii daray waxaa ka go’an Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa shacabka Soomaaliyeed in la ciqaabo dhagar qabeyaasha Khawaarijta ah ee ku dhiirran falalka shacabka iyo dalka lagu dhibaateynayo 

Isla markaana ka dhaga adayga in ay ka haraan fikirka iyo ficilada Khawaarijta ciidamada deegaanka oo kaashanaya kuwa dowladda oo ka baxay degmada Baxdo iyo deegaanka Xin-lebi oo maalin ka hor laga xoreeyey kooxda ayaa maanta weeraray deegaanada ku hareereysan Camaara, wuxuuna dagaalka ugu culus ka dhacay Qodqod

Meydadka maleeshiyaad badan oo Shabaab ah ayaa la sheegay inay caawa yaalaan gudaha deegaanka Qodqod, kuwaas oo ciidamadu ay galabta laayeen dagaalkaan waxaa qeyb ka ahaa diyaaraha dagaalka oo duqeymo dagaalka tooska ah barbar socday u geystay kooxda Al-Shabaab ee lagu weeraray Qodqod

Dagaalka kooxda Al-Shabaab looga xoreynayo Galmudug ayaa xoogeystay maalmahaan, waxaana xoogga la saaray deegaanada ay ka joogaan Mudug, ciidamo kale oo ka soo baxay Wasil oo maalmo ka hor xoreeyey deegaanka Laas-gacamey ayaa caawa kaabiga ku haya magaalada Bacaadweyn

Post a Comment

0 Comments