Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in la qaarijiyey madaxii Al-Shabaab ee u qaabilsanaa arrimaha maaliyadda ee gobolka Bay iyo saraakiil kale

Dowladda Soomaaliya



 Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay howl-gal saaka ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Baay ee maamulka Koonfur Galbeed bayaan kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howl-galkaas lagu qaarijiyay madaxii kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa arrimaha maaliyadda ee gobolka Bay iyo saraakiil kale

Ninkaan ayaa waxaa uu Shabaab u qaabilsanaa lacagaha baadda ah ee kooxda ka qaadi jirtay deegaano ay kamid yihiin Cadegow, Garaar, Warta Doolar, Weley Bagaal iyo tullooyinka Ey-Duraay ee gobolka Baay, sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhiga Wasaaradda gaashaandhigga ayaa sidoo kale waxay sheegtay in madaxii maaliyadda ee gobolka Baay u qaabilsanaa Al-Shabaab lala dilay horjoogayaal kale oo ka tirsan kooxda, inkasta oo aysan shaacin magacyadooda.

Howl-galkaan ayaa waxaa laga fuliyey deegaanada kala ah Adeegow Garaar, Warta Dollar, Weeley Bagal iyo deegaanka Eey-Duuraay ee gobalka Baay. dharbaaxo culus oo soo gaartay howlaha sharci darrada ah ee Shabaab-ka ka wadaan gobolka Baay,” ayey natiijada howl-galkaan ku tilmaamtay wasaaradda gaashaandhiga Soomaaliya

Isla maanta ayaa sidoo kale howl-gal ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa caalamiga ah, kaasi oo lagu khaarijiyay horjooge sare oo Al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka Galmudug oo la yiraahdo Khaliif Gaambe iyo xubno kale duqeyntan dhanka cirka ah oo ka dhacday tuulo u dhaxeysa deegaanada Ceel-Garas iyo Ceel-lahelay ayaa sidoo kale waxaa lagu burburiyay laba gaari oo Cabdi Bile ah oo ay la socdeen sarkaalka la dilay iyo maleeshiyaad kale oo iyagana meesha ku dhintay 

Sarkaalka la dilay ayaa sidoo kale la sheegay in duqeynta lala beegsaday xili uu aaggaas ka waday abaabul ciidan si kastaba, Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si dardar leh ku wada dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah, iyada oo taageero ka helaysa saaxiibada caalamka oo iyagu fuliya duqeymaha dhanka cirka

Post a Comment

0 Comments