Alshabaab oo gubay tuulooyin dhowr ah oo kuyaala gobolka Shabeellada hoose

Kooxda Alshabaab


 Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xoogaga Al-Shabaab ay dab qabadsiiyeen tuulooyin dhowr ah oo dhaca agagaarka magaalada Leego ee gobolkaasi oo ay daganaayeen dad xoolo dhaqato ah xildhibaan Maxamed Aadan Caanooy oo ka tirsan Golaha Shacabka isla-markaana kasoo jeeda beesha degta halkaas ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay weerar ku soo qaaday dadka deegaanka

Isla-markaana ay gubeen illaa 10 tuullo oo ku yaallay halkaasi caanooy ayaa shaaca ka qaaday in dhibato xoogan ay ka jirto halkaasi, isla-markaana ay barakac sameeyeen dadka deegaanka musiibo weyn ayaa waxa ay ka dhacday tuulooyin hoostaga magaalada Leego illaa 10 tuulo ayay Al-Shabaab gubeen dadkii deganaana waxa ay u gaysteen barakac, dhibaato iyo xadgub fara badan” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Caanooy oo la hadlay Somali Cable

Sidoo kale wuxuu ugu baaqday shacabka inay hubka qaataan oo ay iska dhiciyaan xubnaha kooxda Al-Shabaab ee muddada dheer dhibaatada ku haya dab wax ka xun maleh, ilaah ayaa wax ku ciqaaba ilmihiina oo hurda, waayeeladiina oo jiifa ninka aqalka dhinaca kale dabka uga soo qabtay qoray qaado ee meel alaalo meesha uu joogo Al-Shabaab ka daba teg oo ka aarso” ayuu hadalkiisa sii raaciyay

Dhanka kale Xamza Xaadow oo ah Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa isna si adag uga hadlay arrintaan, isaga oo ku baaqay in la’iska celiyo Al-Shabaab hurdo kuuma taallo inta maamooyinkaas guryahooda lagu gubay iyo ilmahaas sawirkooda na horyaallo waa inaad qoriga qaadataan, waana inaad Shabaab meel kasto oo aad ku aragtaan la dirirtaan” ayuu isna yiri Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda

Xamza Xaadow ayaa sidoo kale xusay in kooxda Al-Shabaab aysan laheyn arxan, loona baahan yahay in guud ahaan dadka Soomaaliyeed ay iska dhiciyaan khawaarijto ma laha arxan, gargaarna aysan u lahayn Umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waa markii labaad oo ay Al-Shabaab gubayaan tuulooyinkan oo hoos yimaad deegaanka Leedo, waxayna sidaan oo kale horay ugu sameeyeen sanadkii 2020-kii

Post a Comment

0 Comments