Dowladda soomaaliya oo war ka soo saartay dagaalkii awdheegle iyo tirada Shabaabka lagu laayey

Dowladda soomaaliya


 Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay weerar ay saaka Al-Shabaab ku qaadeen degmada Awdheegle ayaa guul ka sheegtay dagaal ay ciidamada Xoogga dalka la gaareen xubnaha weerarka soo qaaday saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa shaaca ka qaaday in ay ka hortageen weerarka uga yimid Al-Shabaab oo ku billowdo qaraxyo

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi ku daray inay xubnaha Al-Shabaab ay goobta uga carareen maydadka 20 xubnood kadib dagaalkii saaka ka dhacay halkaasi warbaahinta dowladda ayaa sidoo kale warisay in weli ciidamadu ay wadaan tirakoobka khasaaraha rasmiga ah ee Al-Shabaab kasoo gaaray dagaalka Awdheegle

Saraakiisha ciidammada ayaa hadda wada tira koobka qasaaraha rasmiga ah ee saakay lagu gaarsiiyey Khawaarijta dagaalka degmada Awdheegle” ayuu lagu yiri qoraalka dowladda Al-Shabaab ayaa dhankeeda sheegatay inay cagta marisay saldhigyadii degmada Awdheegle ayan dishay ugu yaraan 59 askari, sida ay hadalka u dhigtay kooxdu

Warbaahinta dowladda ayaa sidoo kale warisay in weli ciidamadu ay wadaan tirakoobka khasaaraha rasmiga ah ee Al-Shabaab kasoo gaaray dagaalka Awdheegle.

Awdheegle ayaa marar badan waxaa weeraro ku soo qaaday Al-Shabaab, sidoo kale waxa ay horay ugu garaacday hoobiyeyaal gaystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac maalmihii u dambeeyay Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ku qaado saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee howlgallada ka wada gobollada dalka

Post a Comment

0 Comments