Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in mar kale diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay duqeymo culus ka fuliyeen Galmudug

Kooxda alshabaab


 Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in mar kale diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay duqeymo culus maanta ka fuliyeen Galmudug oo uu haatan ka socdo guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Shabaab duqeyntan dhanka cirka ah oo ka dhacday tuulo u dhaxeysa deegaanada Ceel-Garas iyo Ceel la helay ayaa waxaa iska kaashaday ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo saaxibada caalamiga ah, ayada oo lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga maamul goboleedka Galmudug, Mudane Cali Baashi Cabdulaahi (Gacanbir) oo la hadlay BBC-da ayaa faah-faahin ka bixiyay weerarkaasi isaga oo sheegay in khasaare culus lagu gaarsiiyay maleeshiyada Al-Shabaab Cali Baashi ayaa xaqiijiyay in duqeyntan lagu khaarijiyay horjooge sare oo AlShabaab u qaabilsanaa dhanka Galmudug oo la yiraahdo Khaliif Gaambe iyo xubno kale

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in la burburiyay laba gaari oo Cabdi Bile ah oo ay la socdeen sarkaalka la dilay iyo maleeshiyaad kale oo iyagana meesha ku dhintay, inkastoo uusan shaacin tiradooda sarkaalka la dilay ayaa sidoo kale la sheegay in duqeynta lala beegsaday xili uu aaggaas ka waday abaabul ciidan

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegatay dowlad goboleedka Galmudug weerarkan dhanka cirka ah ayaa kusoo aadayo, xilli haatan guluf culus oo ka socda Galgaduud iyo Mudug, kaas oo khasaare weyn lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab

Si kastaba, ujeedka ah in Al-Shabaab laga sifeeyo deegaanadaasi, waxaana howlgalka xoreynta iska kaashanayaa ciidanka Xoogga kuwa deegaanka iyo saaxibada caalamiga ah

Post a Comment

0 Comments