Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda soomaaliya iyo Galmudug oo la qarxiyey iyo Cabdi Qeybdiid oo dhaawac ah

Kooxda Alshabaab


 Gaari lagu soo raray waxyaabaha qarxa ayey Al-Shabaab ku weerareen ciidamada dowladda iyo masuuliyiin ku sugan deegaanka Laas-gacamey ee gobolka Mudug geerida ugu yaraan hal askari ayaa la xaqiijiyey sidoo kale sidoo kale Senator Cabdi Qeybdiid iyo askar kale ayaa ku dhaawacmay qaraxaas

Saraakiil ciidan oo ku sugan Laas-gacamey ayaa sheegay in Cabdi Qeybdiid uu naqasku ku dhegay sidoo kalena dhaawac fudud uu ka soo gaaray wajiga qaraxa oo ciidanku ay isku dayeen inay fashiliyaan ayaa ku soo dhawaaday guri ay deganaayeen Qoor Qoor, Cabdi Qeybdiid iyo Cabdisalaan Dhabancad waxaana 3-daas masuul ku soo dumay gurigii ay ku jireen

Hada waxaa naloo xaqiijiyey in Madaxwyne Qoor Qoor iyo Xildhibaan Dhabancad ay caafimaad qabaan balse Cabdi Qeybdiid uu naqasku ku dhegay dhaawac fududna uu soo gaaray dhaawacyadii ayaa loo qaaday Wisil illaa Gaalkacyo ma jirin wax weerar ah oo qaraxaas gaariga lagu soo raray kadib ka dhacay degaanka Laas-gacamey oo 9 KM u jira magaalada Bacaadweyn

Ciidamada ku sugan deegaanka Laas-gacamey oo maalin ka hor laga xoreeyey Khawaarijta ayaa isku diyaarinayey in maanta ay xoreeyaan magaalada muhiimka ah ee Bacaadweyn taliyaha NISA Mahad Salaad oo masuuliyiintaan la tegay degaanka uu qaraxu ka dhacay ee Laas-gamey ayaa shalay galab u gudbay deegaanka Xin-labi oo isna maalin ka hor laga xoreeyey Al-Shabaab

Xaaladda furinta xigta Bacaadweyn ayaa saakay aad u kacsan, waxaana na loo sheegay in ciidanku ay saakay ku dadaaleen inay fashiliyaan qaraxaas balse uu xoog ku soo gaaray goob xasaasi ah oo madaxdu ay ka dhaweed

Post a Comment

0 Comments