Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in 300 oo Shabaab ah ay ku go’doonsan yihiin Sh/Dhexe

Kooxda alshabaab

 Wayaa sheegaya in maleeshiyada Al-Shabaab ay maalintii 5-aad ku go’doonsan yihiin deegaanka Cali Fooldheere, oo hoostagga Degmada Mahadaay ee gobolkaasi mintidiinta ayaa la sheegay in maalmihii ugu dambeysay ay isku urursanayeen deegaankaasi, si ay weeraro uga gaystaan deegaanada HirShabeelle ciidamaduna ka war helayn qorshahoodaasi

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyada Shabaabka ay ka soo gudbeen daanta galbeed ee Webiga Shabeelle, islamarkaana ay u muuqdaan inaanay doonayn in dib ugu laabtaan halkii ay ka yimaadeen ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka oo isaga kala yimid Degmooyinka Mahadaay Aadan Yabaal iyo Maxaas ayaa saddex jiho ka kubaareeyay Shabaabka

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in Shabaabku ay ka baxeen dhulka hawdka ee ku yaala hareeraha webiga, islamarkaana ay galeen godad ay horaan ka sii qoteen dhulka beeraha halkaasi ku yaala ilo-wareedyadu waxay kaloo sheegayaan in kooxaha argagixisada ay ka dhex dagaalamayaan godadkaas ciidamaduna ay ku sii dhawaanayaan 

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga ay weli dhanka cirka ka garaacayaan maleeshiyadaasi shabaabka ayaa u muuqdo kuwo ku mintidaya sidii ay halkaasi u sii joogi lahaayeen, maadaama uu deegaanku yahay mid ku wanaagsan gabaadka, kana soo qaadi karaan weerarada gaadmada ah

Saraakiisha Ciidamada ayaa tirada Shabaabka ee halkaasi ku sugan ku sheegay illaa saddex boqol oo nin hawlgalkan ayaa waxaa hoggaaminaya Saraakiil uu ka mid yahay Korneyl Cali Xuubey, oo ka tirsan Saraakiisha Qaybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka taliska Militariga ayaa dadaal badani ku bixinaya, sidii Shabaabka looga kicin lahaa aagagga ay kaga sugan yihiin deegaanka Cali Fooldheere

Post a Comment

0 Comments