Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee danab ayaa khasaare culus gaarsiiyay kooxda alshabaab

Kooxda alshabaab

  Ciidamada sida gaarka ah ee Danab ayaa maanta howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka sameeyay deegaano dhowr ah oo hoostaga degmada Badhaadhe oo ka tirsan gobolkaas ee dowlad goboleedka Jubbaland wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay gudaha u galeen deegaanada Buulo Xaaji Beernasi  iyo Cusbo oo ka wada tirsan gobolka Jubada Hoose, halkaas oo ay ku sugnaayeen xubnaha kooxda Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobollada Jubbooyinka.

Taliyaha Ururka 5-aad Guutada 1-6aad ee Danab Taliye Carab Dheeg Axmed oo hoggaaminayay howlgan ayaa shaaca ka qaaday in sidoo kale ay khasaare lixaadleh gaarsiiyaan Al-Shabaab ayna burburiyeen saldhigyo waa weyn oo ku lahaayeen halkaasi Carab Dheeg Axmed ayaa sidoo kale sheegay inay sii wadi doonaan howlgalkooda ujeedkoodana uu yahay in aaggaas ay ka saaraan maleeshiyada Al-Shabaab

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunka KMG ah ee Jubbaland dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Danab

Jubbooyinka ayaa waxaa inta badan ka dhaca dagaallo culus oo u dhexeeyo ciidamada huwanta iyo xoogaga Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobolladaas oo la rumeysan yahay inay kasoo abaabulaan weerarada ay inta badan ka fuliyaan gudaha dalka soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo xoogiisu laga dareemayo gobollada dhexe, gaar ahaan Galmudug iyo HirShabelle

Post a Comment

0 Comments