Dowladda soomaaliya oo diyaarisay ciidan xoreynaya degmooyinkii uu ka soo baxay militeriga

Kooxda alshabaab

 Ciidamada xoogga dalka ayaa loo diyaarinayaa in dib loogu celiyo degmooyinkii ay horay uga soo baxeen ee Ruun-nirgood, Ceeldheer, Galcad, Masagawaa ilaa Ceelbuur iyo Galhareer oo Khawaarijta Al-Shabaab ay ku sugan tahay maalmahaan taliska ciidanka xoogga dalka ayaa wada diyaargarow militeri oo xoog leh, ciidamo u badan Gor Gor oo horay uga soo baxay deegaanadaas ayaa la doonayaa in hadda dib loogu celiyo

Saraakiil militeri ayaa xaqiijiyey in toddobaadkaan la qorsheynayo inay ciidamada xoogga dalka ka dhaqaaqaan xeryahooda Muqdisho iyo qeybo ka mid ah Shabeellada Dhexe dowladda soomaaliya ayaa horay u sheegtay in degmooyinka iyo deegaanada laga soo baxay ay la xiriirto arrimo farsamo iyo xeelad militeri, balse hadda ayaa dib loo abaabulayaa howlgal mar kale lagu xoreynayo deegaanadaas

Ciidamada ka soo baxay magaalooyinka kor ku xusan ayaa todobaadyo ka hor isugu tegay magaalada Aadan-yabaal, halkaas waxaa uga hor tegay Ra’iisul Wasaaraha waxaana la isla xisaabtan iyo guubaabin kadib lasiiyey fasax maalmo ah hadda ciidamada waxaa u soo dhamaaday fasaxii lasiiyey waxaana dib loogu celinayaa deegaanadii ay ka soo baxeen oo Shabaab ay dib u qabsadeen

Waxaana suurtagal ah inay dagaallo ku galaan oo kooxdu ay isku daydo inay difaacato dowladda Soomaaliya ayaa maalmahaan kordhisay howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab dagaallada ugu culus ayaa hadda ka socda Galmudug saacadihii lasoo dhaafay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa Shabaab ku weeraray deegaanka Shabeellow ee koonfurta gobolka Mudug 

Halkaas oo dagaal culus uu ka dhacay kadib markii Al-Shabaab ay isku dayeen inay difaacdaan deegaanka dowladda oo war ka soo saartay dagaalkii Shabeelow waxay sheegtay in lagu laayey Shabaab badan isla markaana khasaaraha gaaray kooxda labadii maalmood ee laaoo dhaafay uu ka badan yahay 70 maleeshiyaad iyo saraakiil ah, gaadiid badan oo duqeymo looga burburiyey

Post a Comment

0 Comments