Ciidamada Somalia iyo kuwa Itoobiya oo ku dagaalamay gobolka GEDO

Kooxda alshabaab

 Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta dagaal u dhexeeyay ciidamada Booliska Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya uu ka dhacay gudaha degmada Doolow ee gobolkaas kaas oo socday muddo saacado ah dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada Itoobiya ay ku amreen kuwa Booliska in ay qaadaan bar koontarool oo ay ku lahaayeen degmadaas, taasna ay ka biyo diideen ciidanka Soomaaliya waxaana sidaas ku qaraxay iska hor imaadka u dhexeeyay labada dhinac

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in iska hor imaadka uu socday saacado kooban, kadibna uu istaagay, balse ma jiro wax khasaare ah oo lasoo wariyay illaa iyo hadda xaaladda ayaa goobta lagu dagaalamay ayaa hadda ah mid deggan, waxaana lagu soo warramayaa in ciidamada Itoobiya ay dib ugu laabteen xeradooda, halka kuwa Booliskana ay joogaan bartii ay horay ugu sugnaayeen ee ku taalla degmada Doolow ee gobolka Gedo

Dhinaca kale waxaa isla degmadan ka taagan xiisad kale oo u dhexeyso ciidamo taabacsan, Korneel Barre Aadan Shire (Hiiraale) iyo ciidamada Itoobiya kuwaas oo hadda dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ka wada halkaasi xiisadda ayaa timid kadib markii ciidamada Itoobiya ay ku amreen Korneelka inuu isaga baxo degmadaasi, isaguna uu ka biyo diiday amarka, taas oo keentay xiisadda taagan

Sidoo kale waxaa lasoo wariyay in ciidanka taabacsan Barre Hiiraale ay hadda difaacyo uga jiraan qaybo kamid ah degmada, si ay uga hortegaan haddii weerar lagu soo qaado korneelka oo qudhiisa hadlay ayaa ku goodiyay inuu la dagaalami doono ciidamada Itoobiya, haddii ay isku dayaan inay qabtaan ama soo weeraraan, sida uu hadalka u dhigay

Si kastaba, Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca dowladda dhexe iyo maamulka Jubbaland oo ku aadan xaaladaha kasoo cusboonaaday degmada Doolow ee Soomaaliya

Post a Comment

0 Comments