Xaalad deg deg oo la xariirta dagaalka alshabaab oo looga dhawaaqay galgaduud

Kooxda alshabaab


  Gobolka galgaduud ayaa looga dhawaaqay xaalad feejignaan ah oo ka dhalatay dagaalka lagu qaaday kooxda alshabaab kadib markii ciidanka xoogga dalka oo ka talaabay gobolka Shabeellada Dhexe ay gudaha u galeen deegaanada bari ee gobolkaas oo sanado badan ay al-shabaab xukumayeen

Maamulka gobolka galgaduud ee galmudug ayaa laamaha amniga iyo maamullada degmooyinka faray inay heegan galaan, maadaama Al-Shabaab ay ku soo firxa karaan markii ay iska difaaci waayaan duulaanka kaga soo wajahan ciidanka xoogga dalka

Gudomiye ku xigeenka gobolka galgaduud Xasan Gaboobe ayaa warqad uu soo saaray wuxuu ku sheegay in wajiga labaad ee howlgallada lagu sifaynayo al-shabaab uu si xowli ah uga socdo gobolka galgaduud dhawaana la rajaynayo in demada ceelbuur laga xoreeyo kooxda

Qoraalka ka soo baxay maamulka gobolka galgaduud ayaa afar qodob lagu faray maamullada degmooyinka gobolkaas iyo guud ahaan bulshada si looga hor tago khatarta al-shabaab afarta qodob ayaa kala ah 1- waxaa maamullada degmooyinka iyo deegaanada gobolka la farayaa in si dhow ay ula socdaan firxadka al-shabaab si bulshada aysan ugu dhex milmin

2- In gaadiidka soo gelaya degmooyinka gobolka la hubiyo, si gaar ah laamaha amniga iyo saldhigyada booliska si loo ilaaliyo badqabka bulshada 3- in milkilayaasha guryaha iyo hoteellada ay ku soo wargeliyaan laamaha amniga cid kasta oo ku soo kororta si aysan gabaad ugu noqon al-shabaab

4- Dhammaan maamullada degmooyinka waa inay u diyaar garoobaan taakuleynta iyo halganka lagu soo afjarayo al-shabaab wacyi-gelinna ay u sameeyaan bulshada

Post a Comment

0 Comments