Ciidamada dowlada soomaaliya oo burburiyay saldhigyo ay lahaayeen kooxda al-shabaab

kooxda alshabaab


 Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgallo ay maanta ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka kuwaas oo jab lagu gaarsiiyay shabaab howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa horkacayay guddoomiyaha maamulka degmada buuloburde xasan maxamed cabdi xildhibaan cabdiladiif maxamuud, korneyl cabdinaasir sheekh cali, saraakiil katirsan ciidanka dowladda iyo hogaanka macawiisleyda

Ciidamada huwanta ayaa gudaha u galay deegaana kiligubadle, xarar iyo boocaaale halkaas oo ay horay ugu sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab saraakiil u hadashay ciidamada dowladda soomaaliya ayaa sheegay in howlgalladan ku burburiyeen xarumo iyo saldhigyo ay al-shabaab ku lahaayeen deegaanadaasi

Sidoo kale ciidamada ayaa soo bandhigay sawirrada goobaha ay cagta mariyeen iyo xarumaha muhiimka ah ee ku yaalla deegaanada ay qabsadeen dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca al-shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada xoogga iyo kuwa macawiisleyda 

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa agagaarka degmada buuloburde ee gobolka hiiraan dhaq-dhaqaaqyadan ayaa kusoo aadayo ayada oo haatan hiiraan looga dhawaaqay wejiga labaad ee howlgalka al-shabaab looga xoreynayo gobolkaasi 

Si kastaba hiiraan ayaa xudun u noqday kacdoonka haatan ka socda dalka ee looga soo horjeedo kooxda al-shabaab kaas oo ay ka qayb-qaadanayaan dadka deeganka iyo ciidamada xooga dalka oo garab ka helaya saaxiibada caalamiga ah si meesha looga saaro kooxdaan khawaarijta ah ee baneystay dhiiga shacabka 

Post a Comment

0 Comments