Kooxo hubeysan ayaa xalay magaalada muqdisho ku dilay shukri cali mahad alle

Kooxo hubeysan


 Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil ay xalay kooxo hubeysan haweeney ugu geysteen qaybo kamid ah degmada dayniile ee gobolka ganaadir dilka oo ahaa mid qorsheysan ayaa si gaar ah uga dhacay xaafadda Ciise Cabdi ee degmadaasi, sida ay innoo sheegeen dad goobjoogayaal ah

Marxuumadda ayaa waxaa lagu magacaabi jiray shukri cali mahad alle taas oo kamid aheyd dadka deegaanka ee deggan Dayniile wararka ayaa sheegaya in dabley hubeysan ay toogteen shukri, xilli ay ku sugneyd afaafka hore ee gurigeeda ayada oo kadib ay baxsadeen ragga dilka geystay oo ku hubeysnaa bistoolado

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ee degmada ayniile kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyay xaafadda uu dilku ka dhacay balse weli kama hadlin dhacdadaas iyo howlgallada xigay illaa iyo hadda ma cadda sababta rasmiga ee loo beegsaday 

Loona dilay marxuumad shukri cali mahad alle oo si weyn looga yaqaanay degmada dayniile ee gobolka banaadir haweeneydan ayaa sidoo kale kamid ahayd howlwadeennada Tallaalka ee xaafadaha ugu taga caruurta u baahan talaalka dabeysha

Dilkan ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaan darri ee haatan ka dhacaya caasimada, kuwaas oo isugu jiro dilal qaraxyo iyo dhac baahsan oo ay geysanayaan kooxo burcad ah


Post a Comment

0 Comments