Dagaallo Al-Shabaab looga xoreeyey laba deegaan oo muhiim ah oo ka dhacay Hiiraan

Kooxda alshabaab


 Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ayaa weerar qorsheeysan ku qaaday degaanka  jameeco oo u dhow magaalada buurweyn ee gobolka hiiraan ciidanka ayaa la wareegay deegaankaas oo ay horay u joogtay kooxda AlShabaab saraakiisha hogaamineysa ciidankii xoreeyey deegaankaas ayaa sheegay inay sii baacsanayaan shabaab-kii ka firxaday deegaanka jameeco

Dhinaca kale dagaal culus ayaa maanta ka dhacay deegaan lagu magacaabo Ceel-lahelay oo koonfur-bari ka xiga magaalada beledweyne ee gobolka hiiraan dagaalka waxaa qaaday ciidanka dib u xoreynta deegaanka waxayna dagaal culus la galeen kooxda alshabaab oo dagaalkaas looga taag roonaaday sida ay sheegeen saraakiil ku sugan hiiraan

Gobolka Hiiraan waxaa maalmahaan ka socday howlgallo culus oo ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ay ku baacsanayeen kooxda aldhabaab howlgalka ayaa hadda ku baahay koonfurta iyo galbeedka gobolka hiiraan waxaana hadda la qorsheynayaa in kooxda laga xoreeyo buurweyn iyo deegaano kale oo muhiim ah oo ka tirsan gobolka hiiraan oo weli ay joogaan alshabaab

Dhinaca kale xiisad u dhaxeysa laba beelood ayaa ka taagan deegaano hoos taga magaalada matabaan ee gobolka hiiraan xiisada beelahaas ayaa istaagtay mudadii dagaalka lagula jiray kooxda alshabaab

Ugu yaraan hal qof ayaa la dilay mid kalena waa dhaawac kadib markii xalay koox hubeysan oo u abaabulan qaab beeleed ay weerareen qoys reer miyi ah waxay halkaas ku dileen hal wiil mid kalena waa dhaawaceen

Post a Comment

0 Comments