ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee danab iyo kuwa daraawiishta jubbaland ay maanta howlgallo qorsheysan ka bilaabeen gobolada jubada hoose

Kooxda alshabaab


 Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee danab iyo kuwa daraawiishta jubbaland ay maanta howlgallo qorsheysan ka bilaabeen qaybo kamid ah gobolkaasi ciidamada huwanta ayaa u dhaqaaqay deegaano hoos yimaada magaallo xeebeedka kismaayo

Si ay uga hortagaan weerarada AlShabaab una xoreeyaan dhulkaasi ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka ay ku arkeen agagaarka kismaayo isla-markaana ay howlgallo culus ka bilaabeen halkaasi

Saraakiisha ciidamada hoggaamineysa oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa ay dhankooda sheegeen in ujeedkoodu yahay sidii ay u qabsan lahaayeen deegaanada ay joogaan alshabaab ee ku yaalla gobolka jubbada hoose sidoo kale waxa ay wacad ku mareen inay horay usii socon doonaan, illaa inta laga xoreynayo gobollada jubbooyinka oo ay haatan ku xoogan tahay kooxda alshabaab

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo oo ay wadaan labada dhinac laga dareemayaa gobolka jubbada hoose ee koonfurta Soomaaliya jubbooyinka ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda alshabaab waxaana inta badan ay ka fulisaaa weeraro xoogan oo ay ku beegsato xarumaha ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka jubbaland

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa magaalooyinka kismaayo iyo afmadow ka socday diyaargarow ku aadan wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah alshabaab oo la filayo inuu dhawaan ka billowdo jubbooyinka si kastaba inta badan gobollada dalka ayaa waxaa ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda alshabaab kaas oo ay hogaamineyso dowladda soomaaliya isla-markaana ay qayb ka yihiin dadka deegaanka

Post a Comment

0 Comments