Tiro horjoogayaal ah oo ka tirsan AlShabaab ayaa lagu dilay howlgal ay sameeyeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka

Kooxda alshabaab


 Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in howl-gal gaarka ah lagu dilay horjoogayaal ka tirsan kooxda alshabaab kaasi oo ka dhacay gobolka galgaduud ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ayaa howl-galka lagu qaarajiyay horjoogayaashan ka sameeyay deegaanada ceel qansax iyo ceel huyun oo ka tirsan gobolka galgaduud

Qoraal kooban oo kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ayaa lagu shaaciyay magacyada qaar kamid ah horjoogayaasha lagu dilay howl-galkan ay fuliyeen ciidmada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka cartan iley oo ahaa gacan-yaraha Koba kutukade ayaa lagu dilay howl-galka sida lagu sheegay qoraalka dowlada

Horjooge daahir calasoow oo dhibaato xoogan ka geystay gobolada galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe ayaa sidoo kale lagu dhaawacay howl-galkaan gaarka ah ciidamada huwanta ayaa sidoo kale waxay howl-galkan ku burburiyeen saldhigyadii kooxda alshabaab ay ku lahaayeen ceel qansax iyo ceel huyun oo ka tirsan gobolka galgaduud

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee loo yaqaano macawiisleyda ayaa isla maanta weerar qorsheysan ku qaaday fariisimo ay ku sugnaayeen xoogaga shabaab oo ku yaalla agagaarka deegaanka budbud ee gobolka galgaduud ee bartamaha soomaaliya howl-galkan ayaa waxaa lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen alshabaab oo ku yaalla tuulada xaawo gacal oo hoostegta deegaanka budbud oo ay shalay la wareegeen ciidamada huwanta ee haatan howlgallada ka wada gobollada galgaduud iyo mudug

Warbaahinta dowladda ayaa shaacisay in weerarkan khasaare culus lagu gaarsiiyay alshabaab islamarkaana looga dilay 9 xubnood kadibna la burburiyay fariisimo ay ku lahaayeen halkaasi dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay alshabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano macawiisleyda ee ku sugan galmudug

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa si dardar leh ku socday howl-galada ay gobolka galgaduud ka wadaan ciidan xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo ka talaabay gobolka shabeellada dhexe waxayna qorsheynayaan inay kooxda sii baacsadaan illaa ceelbuur

Post a Comment

0 Comments