Ciidamada dowladda somalia oo weerar ku dishay 9 ka tirsanaa Al-Shabaab, kadib weerar qorsheysan lagu qaaday

Kooxda alshabaab


 Faahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar qorsheysan oo ay maanta ciidamada dowladda iyo kuwa macawiisleyda ku qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen xoogaga shabaab oo ku yaalla agagaarka deegaanka budbud ee gobolka galgaduud ee bartamaha soomaaliya howlgalkan ayaa waxaa lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen alshabaab oo ku yaalla tuulada Xaawo Gacal oo hoostegta deegaanka Budbud oo ay shalay la wareegeen 

Ciidamada huwanta ee haatan howlgallada ka wada gobollada Galgaduud iyo mudug warbaahinta dowladda ayaa shaacisay in weerarkan khasaare culus lagu gaarsiiyay al-shabaab isla-markaana looga dilay 9 xubnood kadibna la burburiyay fariisimo ay ku lahaayeen halkaasi

Ciidamada ayaa howlgalkaas qorsheysnaa ku dilay 9 ka tirsan maleyshiyaadka khawaarijta waxaana la burburiyay fariisimihii ay deegaankaas kaga sugnaayeen iyadoo hadda wali la sii baacsanayo ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ay baahisay warbaahinta qaranka sidoo kale saraakiisha ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay in weli uu socdo howlgalka

Isla-markaana ay faahfaahin guud ka bixin doonaan marka uu soo dhammaado dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano macawiisleyda ee ku sugan galmudug

Xaaladda ayaa haatan mid aad u kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in weli dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga darermayo qaybo badan oo ka mid ah gobolka galgaduud ciidamada dowladda federaalka soomaaliya oo todobaadyadii lasoo dhaafay deegaano horleh kala wareegay alshabaab ayaa weli howlgallo amni xaqiijin ah kasii wada koonfurta iyo bartamaha dalka soomaaliya

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa si dardar leh ku socday howlgalll ay gobolka galgaduud ka wadaan ciidan xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo ka talaabay gobolka shabeellada dhexe waxayna qorsheynayaan inay kooxda sii baacsadaan illaa ceelbuur

Post a Comment

0 Comments