Waxaa bilaabmay wejiga labaad ee dagaalka lagula jiro alshabaab iyadoo meelo fara badan laga sii qabsaday kooxda

Kooxda alshabaab


  Taliyaha Ururka 9-aad ee ciidanka kumaandooska gorgor ayaa khudbad dardaaran ah u jeediyay ciidamada uu xukumo ee ku sugan jiidda hore dagaalka lagula jiro kooxda al-shabaab ee ka socda gobolka shabeelaha dhexe taliye hurdaaye ayaa khudbadiisa kusoo hadal sheeko cajiib ah oo ku saabsan nin uu sheegay inuu is qarixin rabay balse ugu dambeyn gacanta lagu dhigay

Waxa uu tilmaamay in marka la qabtay la weydiiyay inuu dukado salaaddda balse uu sheegay in uusan dukan isla-markaana uu jecel yahay nin is qarxinaayo oo baabuur meel ku qarxinayay oo u qarxi diiday meelaa ku dhigtay salaadda ma dukataa ayaa la yiri waa jecel yahay ayuu dhahay salaadda ma dukadee muxuu kuugu dili rabaa ayuu yiri taliyaha ururka 9-aad ee ciidanka kumaandooska gorgor

Sidoo kale taliyaha ayaa kula dardamay ciidamada cabsida alle iyo inay dukadaan salaaddda lagu waajib yeelay salaadda rabi tuko si aad u noqto qof ahlu janno ah qalbi cugan la imaada oo diinta ku qaadataan waxaa la yiri cilmi haddii lagu sheego caqligaaga u kaasho ayuu sii raaciyay ugu dambeyn wuxuu ciidanka uga digay isticmaalka waxyaaba maanka dooriya isaga oo kula dardaamay inay iska daayaan balwadda maadaama ay yihiin dhalinyaro

Waxaa idin sheegaa baahashaas hala’iska dhaafo dadka caba oo ciidanka mid ah ha iska daayeen haddii ay cabaan ayuu markale yiri taliyuhu ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha dagaalka ayaa inta badan la siiyaa wacyi-gelin guud si ay usii laba jibaaraan shaqadooda iyo tan waajibka ku ah


Post a Comment

0 Comments