Ciidanka xoogga dalka oo gaadiid iyo maxaabiis ka qabtay Al-Shabaab

Kooxda alshabaab


  Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ayaa howlgal qorshaysan oo ay ka sameeyeen deegaanka Ceel-Qansax oo hoos taga degmada galcad ee gobolka galgaduud waxay ku soo qabteen gaadiid looga shakiyey inuu sahay u siday al-shabaab ciidanka ayaa sidoo kale burburiyey fariisimo ay si qarsoodi ah isaga soo abaabulayeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda alshabaab 

Sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiishii hoggaamineysay howlgalka ciidanka qaranka sidoo kale nolosha ku qabtay ilaa iyo shan ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab sida ay saraakiisha xaqiijiyeen sidoo kale ciidanka ayaa gacanta ku dhigay gaari nooca xamuulka qaada ah oo loo yaqaano BG, kaas oo la sheegay ama looga shakiyey inuu saanad ciidan sahay raashin iyo shidaal ah u sido kooxda

Xildhibaan Cabdirisaaq Xusul oo ka tirsan golaha shacabka isla markaana laga soo doorto bariga gobolka galgaduud ayaa ka mid ahaa masuuliyiintii hoggaamineysay ciidanka fuliyey howlgalka lagu soo qabtay gaariga iyo maleeshiyaadka la aaminsan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda al-shabaab

Xildhibaan xusul oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay baaritaan ku hayaan gaadiidka iyo ragga la qabtay isla markaana ay dib bulshada ula soo wadaagi doonaan wixii ka soo baxa baaritaanka waxa aan soo qabanay hal gaari kaliya ma ahan sidoo kale waxa jira maxaabiis badan oo gacanta lagu hayo dowladu waa baareysaa gaadiidkaan oo sida alaab u badan saadka ciidamada waana sii baari doonaa ayuu yiri xusul.

Sidoo kale xildhibaanka ayaa u tacsiyeeyey odayaashii ay maalin ka hor al-shabaab ku dileen weerarkii ay ku qaadeen deegaanka mesagawaa ee gobolka galgaduud isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay in kooxdu ay mar kasta disho dadka birimageydada ah guud ahaan amaanka deegaanka howlgalka laga fuliyey ee ceel-qansax ayaa la xaqiijiyay sida saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ay xaqiijiyeen

Post a Comment

0 Comments