Saddex ka mid ah odeyaasha reer xaaji saleebaan oo heshiis la soo galay alshabaab oo xabsiga la dhigay

Odeyaal dhaqan

 Ciidamada Ammaanka galmudug ayaa shalay xabsiga dhigay odayaal ka tirsan beesha reer xaaji saleebaan oo shalay saxaafadda kula hadlay magaalada cadaado kuwaasi oo kasoo laabtay deegaannada ay weli maamulaan al-shabaab odayaasha la xiray ayaa qirtay inay heshiis lasoo galeen kooxda al-shabaab laba maalin kadib markii kooxda ay soo saartay bayaan faah-faahinaya qodobada heshiiska 

Odayaashan ayaa waxa xarigooda qeyb ka ah eedeyn culus oo ay usoo jeediyeen waxgaradka iyo cuqaasha reer Xaaji Saleebaan oo dhawaan iska fogeeyay heshiiska ay la galeen odayaashan kooxda marka laga imaado odayaashan inay heshiis lasoo galeen al-shabaab waxay beesha sheegtay inay kamid yihiin odayaal horey ugu biiray kooxda al-shabaab

Waxgaradka iyo cuqaasha reer xaaji saleebaan ayaa ayagu waxba kama jiraan ku tilmaamay heshiiska la sheegay in kooxda ay la gashay beesha oo degta Galmudug kaasi oo ay ku saxiixan yihiin odayaasha la xiray oo warbaahinta la hadlay ayaa qirtay qeyb kamid ah heshiiska oo aheyd in shabaab ay sii dayso illaa 67 qof oo maxaabiis ahaan ay u heysteen iyo sidoo kalena ay kasoo fasaxeen gaadiid fara badan

Shabaab oo hore u baahisay heshiiska ay odayaashan kula gashay magaca beesha reer xaaji saleebaan ayaa waxa ku qorna inay ku heshiiyeen odayaasha beesha inay ka hortimaado gulufka dagaal ee socda kana saarto ciidanka iyo hubkeeda safafka hore ee dagaalka odayaasha la xiray ayaa waxa loo gudbinayaa magaalada dhuusamareeb si sharciga loo horgeeyo

Sida uu sheegay taliyaha qeybta 21-aad general xasan jaamici oo warbaahinta la hadlay guddoomiyaha degmada cadaado faarax diiriye warsame ayaa sidoo kale sheegay in odayaashan ay yihiin dambiilayaal ayada oo uu sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono wariyayaashi wareysiga ka qaaday dowladda soomaaliya ayaa horey u mamnuucday in wax macaamil ah lala sameeyo kooxda al-shabaab iskaba daa in heshiis lala soo galee waxayna ballan-qaaday in tallaabo laga qaadi doono ciddii sidaas sameysa 

Dhanka kale wasiirka amniga galmudug ayaa sheegay in dhawaan ay qaadi doonaan guluf dagaal oo xoog leh kadib markii al-shabaab looga soo adkaaday hirshabeelle maamulka galmudug ayaa sheegay in maalmo kooban ay ku soo afjari doonaan shabaab-ka jooga mar hadii laga soo go’doomiyey dhanka hirshabeelle oo laga soo wada xoreeyey maalmaha soo socda ayaan duulaan culus ku qaadi doonaa ayuu yiri wasiirka amniga galmudug

Post a Comment

0 Comments