Nin uu Tareen jiirey isaga oo sawir iska qaaday

Dhacdooyinka caalamka

 Nin ayuu dhaawac xun madaxa kasoo gaaray kadib markii uu jiiray tareen xili uu isku dayayay in uu iska duubo muuqaal wanaagsan isaga oo isku beegay xadiidka tareenka muuqaalka waxaa ka muuqda tareenka oo si xawli ah gadaashiisa uga soo socda isagana uusan wax dareen ah arrintaas ka muujinaynin illaa uu tareenkii ku dhoco

Ninkan oo lagu magacaabo T Siva ahna tabobare goob jirdhiska ah ayaa iska dhago tirey digniin ay u jeedinayeen dad meesha ka dhow kuwaas oo u sheegayay in tareenka uu kusoo dhowyahay waa uu ka badbaaday geeri balse waxaa soo gaaray dhaawac xun oo madaxa ah waxaana lasoo taagay maxkamad halkaas ku taal isaga oo lagu ridey xukun ganaax ah

Muuqaalka uu iska duubay Siva oo soconaya 21 ilmiriqsi ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada wuxuuna muujinayaa sida ay wax u dhaceen sawirka la’isaga qaado qadka tareenka ayaa ah arrin aad ugu soo korortay dalka Hindiya waxaana dhacday in bishii Oktoobar ee sanadkii 2017-kii in tareen uu jiirey 3 dhalinyaro halkaasna ay ku dhinteen xili ay sawir iska qaadayeen

Guud ahaan adduunka waxaa ku geeriyootay 127 qof sababo la xiriira sawirka ay taleefoonka ku galayeen meelo halis intii u dhaxaysay sanadkii 2014 illaa 2016-kii, 76 qof oo dadkaas ka mid ah waxa ay ku dhinteen dalka Hindiya.

Afhayeen u hadlay shirkada tareenada Hindiya oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in uu jiro sharci mamnuucaya in sawirro laga qaado qadadka tareenada iyo in lasoo galo goobaha uu maro ee aanan ahayn boosteejada. Sharcigan oo tirsigiisu yahay 147 oo lasoo saaray sanadkii 1989

Post a Comment

0 Comments