Dowladda Federaalka oo ka hadashay xayiraada ay AlShabaab kusoo rogeen shirkada hormuud telecom

Al-Shabaab

 Kooxda al-shabaab ayaa xayiraado ku soo rogtay dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo shaqaalaha shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud Telecom waxaana arrintaas ka hadlay afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga soomaaliya cabdullaahi cali caanood oo wareysi siiyey idaacadda VOA ayaa sheegay in kooxda al-shabaab ay dooneyso inay ka hor tagto wax kasta oo ciidanku ay isticmaali karaan isla markaana ay soo gaartay arintaan

Deegaano badan oo qaayib iyo dhisaqshurufle ee gobolka galgaduud ay ku jiraan ayey horay isgaarsiinta uga burburiyeen sida aan ognahay Al-Shabaab ma ogola wax kasta oo ciidanka ay ku ogaan karaan xogtooda ama ku wada xiriiri karaan afhayeenka ayaa sharkadaha ku amaanay inay dadaalaan oo dib u howlgeliyaan xarumaha ay mar kasta ka burburiso kooxdu 

Gobolka hiiraan iyo deegaano badan oo yasooman, tardo iyo moqokori ay ku jiraan ayey ka burburiyeen isgaarsiinta meel kasta oo ciidanku inay ku soo weeraraan ay ka cabsadaan waa ka burburiyaan isgaarsiinta ayuu yiri sidoo kale gobolka sh/dhexe wuxuu sheegay in meel kasta oo ciidanku ay uga soo dhawaadaan ay isgaarsiinta ka burburiyeen isagoo soo tiriyey deegaanada laga burburiyey isgaariinta shirkadda hormuud

Gobolka Sh/Dhexe waxay isgaarsiinta ka jebiyeen sida masaajid cali gaduud, adanyabaal, juxaay, al-kowthar, halgan iyo tulooyin u dhow daarusalaam ayey ka burburiyeen xarumaha isgaarsiinta afhayeenka wasaarada gaashaandhiga ayaa sheegay in kooxdaan ay cadow ku tahay guud ahaan nolosha bulshada

Isla markaana ay u arkaan in hormuud ay tahay meelaha ay bulshado sahay ahaan ugu noolaa karaan taliyaha oo la weydiiyey waxa ay kala socdaan amarka la duldhigay shirkada ayaa sheegay inay maqleen in hormuud lagu amray in shaqaalaheeda aysan isku gudbi karin

Post a Comment

0 Comments