Dalka new zealand ayaa sameeyey sharci ninkii cayilo la masaafirinaayo

Dhacdooyinka caalamka

  Ninka loo aqoonsaday qofka ugu buuran ama ugu miisaanka wayn dalka New Zealand ayaa qarka u saran in isaga iyo xaaskiisa laga mastaafuriyo dalkaas ka dib markii dawlada dalkaas sida warbaahintu sheegtay ninkaas gaadhsiisay hanjabaad kama danbays ah oo la xidhiidha in la mastaafurin doono haddii aanu miisaanka badan iska ridin

Ninkan oo u dhashay dalka Koonfur Afrika laguna magacaabo albert buitintonie ayaa qarka u saaran in dalkiisi loo mastaafuriyo isaga iyo xaaskiisa ka dib markii xanuuno miisaankiisu ku keenay ay si cad uga dayrisay wakaalada muhaajiriinta iyo soo galaytiga dalkaas u qaabilsan taas oo sheegtay in aanay u hayn kharash lagula tacaalo xanuuno baruurta badani ku keentay

Albert ayaa miisaankiisu gaadhay boqol iyo sodon kilo gram, waxaanu qabaa sida dhakhaatiirtu cadaysay, xanuunada macaanka wadno xanuunka iyo neef qabatow soo waajaha marka uu seexdo oo baruurta badani sababto in shaqada wadnihiisu hoos u dhacdo afhayeen u hadlay wakaalada soo galaytiga u qaabilsan dalka new zealand ayaa sababta ninkaas loogu hanjabay in la mastaafurin doono mar uu ka hadlayay sheegay in wakaaladoodu leedahay miisaaniyad loogu tala galay 

Dadka soo galaytiga ah ee dalkaas, waydiista magan galyada deganaanshaha iyo ka xoogsiga dalkaas in visa ama dal ku gal loo siiyo kharaashkaas oo uu afhayeenkani ku tilmaamay mid u dhigma ama kafayn kara adeegyada caafimaad iyo wax barasho ee uu qofku u baahan yahay kuwaas oo marka la isku cel celiyo u dhigma ama la mid ah kharashaadka caadiga ah ee loogu tala galay muwaadiniinta dalkaas u dhashay laakiin aanay ogolaan karayn in qof soo galayti  ah ay ku baxdo kharashaad ka badan ka muwaadiniinta

Ninkan oo lix sanadood deganaa dalkaas ayaa miisaankiisu sadex sanadood ka hor ahaa boqol iyo lixdan kiiloo, laakiin waxa uu iska riday sodon kilo hasa yeeshee waxa sadexdii sanadoodba looga baahan yahay in mar uu ogolaanshaha uu dalkaas ku joogo loo cusboonaysiiyaa qofka ka xoogsada waxaana hore loo siiyay ogolaanshaha isaga oo aan wax carqalad ah kala kulmin balse imika waxa ku socda baadhitaano iyo shuruudo ad adag oo hor yaala kuwaas oo sida muuqata sababi kara in la mastaafuriyo

Dalka new zealand ayaa ku jira shanta waddan ee dunida ugu horeeya gaar ahaan dadka buuran ee miisaankoodu xad dhaafka yahay marka laga hadlayo, waxaana ka horeeya sida liis laga soo saaray dadka ugu buuran dunida lagu muujiyay waddamada maraykanka, mexico, sucuudi arabiya iyo waddamo ka tirsan bariga dhexe iyo yurubta galbeed

Post a Comment

0 Comments