Qoys ka kooban 4 qof ayaa lagu dilay weerar hubeysan oo ka dhacay duleedka degmada Warsheekh

Dil wadareed


 Wararka naga soo gaaraya Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay maleeshiyaad beeleed hubeysan ay weerar lagu laayey dad isku qoys ahaa ka geysteen duleedka degmada warsheekh oo dhacda dhanka xeebta ee gobolkaasi weerarka ayaa ka dhacay deegaanka lagu magacaabo xaluule oo hoostaga degmada warsheekh waxaana maleeshiyaadkan ay rasaas ku fureen illaa 4 qof oo isku qoys ahaa

Dadka la laayey ayaa ku sugnaa hal goob waxaana magacyadooda lagu kala sheegay safiya sheekh abuukarow, abuukar iidow, sheekh muxumed sheekh cabdi celi iyo sangaabo maxamuud xuseen sida ay inoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah maleeshiyaadka dil wadareedkan fuliyey ayaa lagu soo warramayaa inay goobta isaga baxsadeen

Kadib dhacdadaasi aragagaxa leh ee ay ka geysteen nawaaxiga Warsheekh wararka ayaa intaasi kusii daraya in dhacdadan ay salka ku heyso dilal la xiriira aanooyin qabiil oo ka taagan deegaano ka tirsan gobolka shabeelaha dhexe dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha amaanka oo ku aadan weerarkaas oo cabsi ku beeray dadka deegaanka 

Si kastaba falkan ayaa kusoo aadaya ayada oo dhowaan heshiis rasmi ah laga gaaray colaad beeleed maalmihii ugu dambeeyey ka taagneyd gobolka shabeelaha dhexe gaar ahaan duleedka degmada cadale taas oo uu dhameystirkeeda goobjoog ahaa madaxweyne Xasan Sheekh iyada oo lagu ballamay in qofkii dil geysta sharciga la geeyo

Post a Comment

0 Comments