Maamulka Galmudug oo amray in lasoo qabto odayaal dhaqameed ku biiray Alshabaab

Galmudug iyo alshabab


 Wasaaradda amniga maamul goboleedka Galmudug ayaa shaacisay magacyada saddex odey dhaqameed oo ay sheegtay inay u hoggaansameen kooxda Alshabaab saddexdan odey oo lagu kala magacaab sugaal warsame cali, cali yare axmed xayle iyo cumar maxamed jimcaale ayay wasaaradda amniga galmudug ku amartay ciidamada inay gacanta kusoo dhigaan meel kaste oo ay ku sugan yihiin

Odayaashaan oo la sheegay inay ka baxeen degmada baxdo ee gobolka galgaduud ayaa la ogaaday inay gaareen degmada xarar dheere oo kamid ah deegaannada ay gacanta ku hayaan kooxda Al-Shabaab cabdulahi cabdi wuxuu sheegay in habeen hore odayaashaan oo ahaa saddex nabadoon oo kasoo jeeda degmada cadaado ay dhuunteen islamarkaana laga war helay iyagoo ku sugan magaalada camaara.

Nimankan cid dirsatay maleh odayaasha qabiilkay ahaayeen waa laga shakisanaa. hal mar ayay guureeyeen oo goosteen lamana  dirsan waa niman iska tagay safka Khawaarijta ayay saacaddan laga billaabo ku jiraan ayuu yiri sarkaalkan shalay ahayd markii warbaahinta laga sheegay in odayaal ka tagay baxdo ay gaareen deegaannada alshabaab iyagoo halkaas u tagay si ay alshabaab uga soo sii daayaan dad u afduubnaa hase ahaatee maamulka galmudug ayaa beeniyay

Waaxda amniga gudaha ee dowladda somalia ayaa tilmaamtay in cid kasta oo gacan saar la leh al-shabaab ay ula dhaqmi doonto sida ay ula dhaqmeyso dagaalyahanada xarakada iyadoo laga duulayo go’aamadii laga soo saaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada

Wasaaradda ayaa uga digtay shacabka ku dhaqan deegaanada galmudug in aysan u hoggaansamin awaamiirta al-shabaab iyadoo ku adkeysay in dowlad goboleedkaasi oo kaashanaya dowladda federaalka soomaaliya ay ka go’an tahay in meesha laga saaro dagaalyahannada xarakada sl-shabaab

Post a Comment

0 Comments