Ilme yar oo dhalashadiisu badbaadisay hooyadii oo 3-bilood miyir la’aan ku jirtay

Dhacdooyinka caalamka


 Xaalad mucjiso ay ku tilmaameen dhakhaatiirtu ayaa ka dhacday cusbitaal ku yaala dalka argentina ka dib markii hooyo sadex bilood miyir la’aan ahayd (Coma) ay dhimasho ka badbaaday ka dib markii ay umushay ilma yar oo ay uurkiisa iyadoo leh shil gaadhi ku habsaday hooyadan oo ka mid ahayd booliska degaanka waqooyi bari ee dalka argentina ayaa iyadoo hawl gal ciidan ku jirta uu gaadhigii ay saarnayd shil galay

Waxaana shilkaas oo ay afar boolis ah ku wada socdeen ku dhaawacmay oo kaliya hooyadan oo dhaawac culus uu ka dhacay madaxa hooyadan oo lagu magacaabo Amelia Banna ayaa uur lix bilood ah lahayd markii gaadhigii booliska ee ay saarnayd kula qarxay magaalada posadas oo ku taal waqooyiga bari ee dalka argentina waxana dhaawac culusi kaga dhacay madaxa kaas oo sababay in dhiig kaga furmo maskaxda oo ay miyir doorsoon buuxa gasho

Muddo sadex bilood ah ayay ku jirtay xaalad miyir la’aan ah waxaanay dhakhaatiirtu kaliya ku hawlanaayeen sidii loo badbaadin lahaa ilmaha yar ee uurkeeda ku jira kaas oo markii uu dhashay shinbir u noqday kana badbaadiyay dhimashadii lagu qoray sida jariirada Daily Mail ee dalka ingiriiska ka soo baxdaa ku warantay hooyo amelia Banna, ayaan waxa dhaqaaq iyo hadal ah toona laga hayn tan iyo markii ay shilka gashay dabayaaqadii ciida kiristaanka

Hasa yeeshee waxa ay mar qudha soo baraarugtay oo dhibaatadii laga fayday markii ay umushay ilmaheeda yar oo loo bixiyay santino sida dhakhaatiirtu sheegeen ilmahan yar ayaa loo diyaariyay haweenay u edo ah oo lagu magacaabo norma laakiin markii uu dhashay ee hooyadii laabta loo saaray ayay bilowday inay hadasho kana jawaabto su’aalaha la waydiiyo in kastoo aanay wali ka kicin koomadii ay ku jirtay haddana waxa ay bilowday kala garashadii oo si caadi ah ayay iyadoo jiifta uga jawaabaysaa wixii la waydiiyo

Sida walaalkeed oo lagu magacaabo cesar bannan uu wargeyska u sheegay waxaanu xusay in dhakhaatiirtu u sheegeen in ay tahay arrintani mucjiso xaga rabbi ka timid
mucjiso ayay ku noqotay markii uu walaashii oo hadlaysa oo wax kala garanaysa u soo galay waxaanu sheegay in ilmahan yar ee ay dhashay ahaa mid mucjiso ah oo badbaadiyay hooyadii 

Waxa sidaas oo kale figrad taas la mid ah qaba dhakhaatiirta ka hawl gala cusbitaalka ay haweenaydani miyir la’aanta u taalay ee dalka argentina kuwaas oo tilmaamay in xaaladani tahay mid mucjiso ah oo aan hore u soo marin waligood laakiin ay rejo wayn ka qabaan in haweenaydani bogsan karto oo caafimaadkeedi laga quustay dib ugu soo noqon karo

Post a Comment

0 Comments