Haweenay u dhalatay dalka australia ayaa go’aansatay inay badwaynta atlantic-ga kaga talowdo laash jirid geed laga sameeyye

Dhacdooyinka caalamka


 Haweenay u dhalatay dalka australia oo lagu magacaabo Lisa Wardle da’deeduna tahay 32-Jir ayaa go’aansatay inay badwaynta atlantic-ga kaga talowdo laash jirid geed oo ay qalajisay ka samaysatay taas oo sida ay u xustay ujeedada ugu wayn ee ay ka lahaydna ahayd sidii ay u muujin lahayd in haweenku ka geesinimo iyo karti badan yihiin raga gabadhan oo ka mid ah dadka jecel balaalaynta iyo inay daah furaan waxyaabo cusub

Waxa ay muddo dhawr bilood gaadhaysa ku noq noqonaysay shirkadaha waaweyn iyo warshadaha farsameeyay doonyaha socodka dheer lagu galo ee dalkeeda kuwaas oo ay ka codsatay inay siiyaan dooni iyo lacag ay kaga talowdo badwaynta Atlanticga laakiin waxa codsigeedaasi ku dhamaaday bilaa rejo ka dibna waxa ay ku dhaqaaqday talaabo ay kaga maarmayso baryadaas

Sida ay warbaahinta dalkeedu ku warantay waxa Lisa Wardle ay gunta ku jartay geed wayn oo leh jirid aad u balaadhan oo ilaa laba mitir iyo dheeraad balaceedu gaadhayo taas oo inta ay qalajisay ka dibna gudaha ka qortay oo sida laashka oo kale ay u samaysatay ugu danbayntiina ku gashay safar boqol mayl ah oo dhinaca bada ah kaas oo halis badan iyo dhibaatooyin tiro badan lahaa laakiin ay u badheedhay sida ay ku doodayso

Haweenaydan oo faraxsan isla markaana sida ka muuqatay dhamaanteedu uu saaqday rejada iyo farxada balaadhan ee ay ku qabto inay gaadhayso hamigeeda ayaa socdaalkeeda u xadhko xidhatay waxaanay isku biimaysay mid ka mid ah badaha ugu halista badan dunida oo ah badwaynta atlantic-ga taas oo xiliga ay socdaalkeeda go’aansatay lafteedu tahay wakhtiyada ugu adag waxaanay ugu danbayntii ku jaqaafisay safarkeeda rejada iyo halista badhtanka u yaala

Dedaal badan iyo waayo iyada uuni og tahay oo ay bada ku gashay ka dib waxa ay gaadhay jasiiradaha canary, iyada oo ka gudubtay gacanka wayn ee jasiiradahaasi ku teedsan yihiin ee loo yaqaano antilles taas oo ah masaafadii ugu fogayd ee loogu safro laash macmal ah oo aan lahayn waxyaabaha aasaasiga u ah safarka xeebaha haweenaydan oo la waydiiyay sababta ay halista iyo biimada intaa leeg ay nafteeda u galisay ayaa sheegtay in marar kala duwan ay ku fashilantay codsi ay shirkadaha iyo dadka taageerada bixiya kaga dalbatay inay ka taageeraan socdaalkeeda

Laakiin ugu danbayntii ay go’aan ku gaadhay inay gacmaheeda ku ciil baxdo taas oo ay ku samaysatay laas geed jiridii ay ka qoratay oo aan tacabkii ay iyadu galisay mooyee wax lacag ahi kaga bixin sidoo kale waxa ay gabadhani tilmaantay in halista intaa leeg ay u gashay sidii ay u muujin lahayd in haweenku ka geesinimo iyo karti badan yihiin raga oo ay u babac dhigi karaan dhibaato la mid ah ta ragu jiidho iyo mid ka sii adag taas oo sida ay ku doodayso u rumowday oo ay ka si dhab ah uga guul gaadhay

Post a Comment

0 Comments